Saxilnews.com
Ciidamada Booliska Somaliland Oo Xabsiga Dhigay Laba Ganacsade Oo Dalka Keenay Kabo Ay Xagga Hoose Kagga Qoran Tahay Magaca Allah (SW)  
June 17, 2017 - Written by suxufi
 

Hargeysa(Saxilnews)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa la sheegay inay xabsiga u taxaabeen Laba ganacsade oo dalka Keenay Kabo ay  xagga hoose kaga qoran tahay Magaca Allah (SW).

Kabahan oo ah kuwa ragga ayaa maalmihii u danbeeyeyba waxa hawl gallo lagaga ururinayo Suuqa waday guddi ka socotay wasaaradda Diinta iyo Awqaafta Somaliland oo kaashanaya  ciidamada Booliska kuwaas oo meheradaha iibinaya ka ururiyey kabahan.

Waxaana sidoo kale ay ciidamada Boolisku sida naloo sheegay ay xabsiga dhigeen laba Ganacsade oo la sheegay  inay yihiin ganacsatada dalka keenay Kabahan ay xagga hoose kaga xardhan yahay maggaca allah kuwaas oo maalmihii u danbeeyeyba hadal haynteedu taagnayd.

Waxaana xoguhu tibaaxeen in Kabihii iyo raggi ganacsatada ahaa ee Keenayba ay ku xidhan yihiin saldhiga dhexe ee magaalada Hargeysa.

Maaha markii u horeysay ee Kabo noocan oo kale oo ay ku qoran yihiin magacyada Allah  iyo Rasuulkeena  Muxamed NNKH la keeno dalka,dhawaan ayay ahayd kadib markii ay dalka hal mar uun soo galeen Kabo ay xagga hoose kaga qoran yahay magaca Rasuulkeena Muxamed NNKH.

1 

 

 

COMMENTS
Latest News