Saxilnews.com
Ciidamada Booliska Oo Albaabada U Laabay Xafiisyadii Xisbiga WADDANI Ee Deegaanada Lafaruug Iyo Abdaal Ee Gobolka Saaxil
July 19, 2017 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-Ciidamada Booliska Somaliland ayaa saaka albaabada u laabay xafiisyadii xisbiga WADDANI ee deegaanada Abdaal iyo Lafaruug oo ka tirsan gobolka Saaxil,waxaana ciidamadu ay sidoo kale dhulka dhigeen calaamaantii xisbiga ee ka taagnaa deegaanadaasi.

Ciidamada Booliska ayaa sidoo kale waxay xidh-xidheen taageerayaal ka tirsan xisbiga WADDANI oo markaas ku ag sugnaa xafiisyada xisbigaasi,waxaana sidaasi cadeeyey afhayeenka xisbiga WADDANI Xildhibaan Ibraahin Mahdi Buubaa oo maanta warbaahinta kula hadlayey magaalada Hargeysa.

Afhayeenka ayaa sheegay in talaabadan ay ka danbaysay ka dib markii saaka uu gudoomiyaha ahna murrashaxa xisbiga KULMIYE Muuse Biixi Cabdi iyo wafti uu hogaaminayo oo kamid ah xukuumadda iyo xisbiga KULMIYE ay safar kaga soo baxeen magaalada Berbera kuna soo jeedeen magaalada Hargeysa.

Sidoo kalena dhawaan ayay ahayd markii ciidamada Boolisku ay albaabada u laabeen isla markaana calaamaantii xisbiga WADDANI ay dhulka dhigeen,masuuliyiintii xisbiga WADDANI ee deegaanada bariga somaliland ay ciidamadu jidh dil iyo xadhig iskugu dareenmarkii markii ay waftigan Muuse ay socdaal ku tageen deegaanadaasi.

COMMENTS
Latest News