Saxilnews.com
Ciidamada Badda Puntland Oo Weerar Ku Qaadey Budhacad Badeed Markab Ka Qafaalatey Xeebaha Maamulkaas Iyo Khasaaraha Ka Dhashey
March 16, 2017 - Written by suxufi

Caluula (SaxilNews):- Wararka ka imaanaya Degmada Caluula ayaa sheegaya in dagaal u dhaxeeyayCiidamada Badda Puntland PMPF iyo kooxo burcad badeed Soomaali ah uu goordhaweyd ka dhacay meel ku dhaw Deegaanka Xaabo.

Image result for Ciidamada Badda Maamulka Puntland

Dagaalka ayaa dhax maray Ciidamada Badda Puntland iyo kooxo hubeesan oo heesta markabka Aris 13 oo malamo kahor soo qafaashay, Markabkan ayaa watay Calanka Sri Lanka waxaana maamusha shirkad laga leeyahay dalka Imaaraatka Carabta.

 

Guddoomiyaha Degmadda Caluula Cali shire Maxamuud ayaa dagaalkaasi cadeeyey waxana uu sheegay in ciidamada Badda Puntland isku dayayaan in ay gacanta ku dhigaan Marakbka balse aanay u suurto galin

Dagaalka dhax maray ciidamada Badda Puntland iyo kooxda Burcad badeeda ayaa lasoo sheegayaa in uu ka dhashay khasaaro , walina lama shaacin khasaaraha Ciidamada Puntland kasoo gaaray dagaalkaasi.

Ciidamada Badda Puntland ayaa isku dayaya in ay xoog kusoo furtaan Markabkan ay heestaan kooxaha burcad badeeda Soomaalida , waxa ayna Kooxdan horey u sheegtay in ay markabkan ka rabaan madax furasho

COMMENTS
Latest News