Saxilnews.com
Ciidamada AMISOM,Kuwa DFS Iyo Kooxda Al-Shabaab Oo Dagaal Culus Uu Ku Dhexmaray Duleedka Balad-Wayne
December 5, 2015 - Written by admin

Balad-wayne (SAXILNEWS.COM)_Wararka ka imanaya magaalada Balad-wayne ayaa sheegay in Dagaal culus uu ku dhexmaray Ciidamada Dowladda, kuwa AMISOM oo isku dhinac ah iyo Al Shabaab ku dhexmaray Degaan hoostaga Magaalada Baladweyne. Maxamed Cumar Cabdulle, Abaanduulaha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Hiiraan ayaa tilmaamay in Dagaalka uu yimi kadib markii Kolonyo gaadiidka Dagaalka oo ay wateen Ciidamada Dowladda iyo kuwa AMISOM oo marayay Deegaanka Ceelbaar oo ku taala Nawaaxiga Baladweyne ay Weerar gaadmo ahaa ku soo qaadeen Xarakada Al Shabaab isagoo xusay in ay ka Dileen 10 Ruux oo ka mid ahaa dhinicii soo weeraray, dhankooda ay labo kaga dhaawacantay, sida uu sheegay Maxamed Cumar Cabdulle, Abaanduulaha Ciidamada Dowladda ee Gobolka Hiiraan.

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

COMMENTS
Latest News