Saxilnews.com
Chelsea Oo Dalab Rasmi Ah Ka Gudbisay Xiddig Ay Horay U Soo Wada Shaqeeyeen Antonio Conte
January 3, 2018 - Written by Faysal Aadan

 

 

Kooxda Chelsea ayaa dalab Rasmi ah ka gudbisay xiddig ay horay u soo wada shaqeeyeen iyaga oo doonaya in uu mar kale tababaraha reer Italy kula midoobo magaalada London garaa ahaan kooxda Blues.

Blues ayaa dalab Rasmi ah oo dhan 33 milyan oo euro ka gudbisay xiddiga khadka dhexe uga ciyaara kooxda Bayern Munich ee  Arturo Vidal.

Laakiin wararka ka imanaya dalka Colombia ayaa sheegaya in ay tahay in ay Chelsea dalabkeeda kor ugu qaado lacag dhan 53 milyan oo euro hadii ay doonayaan in ay Bayern Munich ku qanciyaan in ay 30 jirka fasaxdo January.

Antonio Conte ayaa xiddiga reer chile kula soo shaqeeyay kooxda Juventus iyaga oo ku soo wada guulaystay koobab ay ka mid yihiin 3 koob oo horyaalka Italy ah.

Tababaraha kooxda chelsea ayaa qirtay in uu u baahanyahay in uu lacag fiican suuqa galiyo si uu kooxdiisa u dhiso si ay ugu tartanto koobabka xilli ciyaarteedkan.

Xiddigan ayaa laftiisu diyaar u ah in uu tababarihiisii hore kula midoobo kooxda difaacanaysa horyaalka Premier league ee Blue.

COMMENTS
Latest News