Saxilnews.com
Calooshiisa Ushaqayste Rashiid Gaaruf Oo Hab Qabyaaladaysan (Reernimo) Ku Tageeray Wareejinta Haamaha Berbera ”
September 10, 2015 - Written by admin

 

Maraykanka (Saxilnews.com)-Muwaadin mise Ajaanib – Heshiiska Haamaha Shidaalka Berbera waa la kiraynayaa ee cidina iibsanmayso. Dadka laga kiraynayaa waa lix shirkadood oo ay leeyihiin muwaadiin xaafad walba leh oo waddanka iyo gobolka u dhashay oo ka mid ah shirkadaha shidaalka keena Somaliland kuwa ugu waawayn.  Haddii cidi ku doodayso shirkad baa laga tegay ee ha lagu daro, taasu waa dood gaara. Waxase wax lala yaabo ah, lix shirkadood ee ugu waawayn qaranka ee shidaalka keena haddii heshiiska lala gelayo la diido, ma waxa la doonayaa in heshiis lala galo shirkado ajaanib ah?. Mise waxa la doonayaa in inta si tartan ah lagu bixiyo shirkad keliya oo ka mida shirkadaha oo dhan ay keligeed ku guulaysato oo iyada keligeed heshiis lala galo (halka imika lix shirkadood heshiis lagula gelayo). Maskaxda caafimaadka qabta way arkaysaa in muwaadiniintu kaga xaq leeyihiin ajaanibka, in lixda shirkadood ee ugu waawayn oo laga dhexaysiiyo heshiiskana ka qurux badan tahay shirkad keliya oo tartan ku guulaysata dabadeedna shirkadaa keliya heshiis lala galo. Labadaas arrimood wax la kala doorto maaha. Inta ka soo horjeedaa way khaldan tahay.

Dhaqaalah kor loo qaado – Maanta foostada shidaalka ah waxa laga qaadaa sideed dollar oo cashuur ah iyo todaba dollar oo khidmad ah. Dawladu heshiiskan ka dib siddeedii dollar ee cashuurta ahayd sideedii ayay uga qaadanaysaa foosto kasta oo shidaal ah. Shirkaduhu waxay la wareegayaan todobadii dollar ee khidmada loo qaadayay, waxaanay heshiiska ku gelayaan inay lix milyan oo dollar oo kale sannad walba siinayaan dawlada. Halkaa dhowr iyo toban milyan oo dollar ayay sannadkasta dawladu ka helaysaa, hawshii iyo maamulkii Haamaha waxa la wareegaya shirkadaha. Markaa horta dawlad cashuur ku waayaysa meesha ma taalo, ee cashuur iyo dheeraadba heshiiska dawladu way ku helaysaa. Dadka beenta isla dhex maraya waxa haysa war la’aan iyo inay dawlada ku weeraraan dhinaca siyaasada. Dadka beenta ka sheegaya heshiiskan oo leh waxbaa khaldan haddalkiisa in la dhegaysto maaha. Heshiiska shirkadahan lala gelayo waa mid danta qaranka lagu illaalinayo wax khalad ahina kuma jiro laakiin waa lagu kala rayi duwanaan karaa, qarankana dhaqaale ka badan kii hore ayaa ka soo gelaya. Shirkadahana heshiiska gelayana macaash iyo dhaqaale ayaa iyagana ka soo gelaya.

Maamulka Shirkadaha waxa ku wanaagsan muwaadinka – Somaliland ma aha dawladii ugu horaysay caalamka ee tidhaahdo shirkadaha muwaadiniintu leeyihiin baanu heshiis la gelaynaa si ay u maamulaan hayadaha dhaqaaluhu ka soo baxayo. Waayo shirkaduhu iyaga ayaa uga aqoon roon dawlada sida lacag iyo macaash loo soo saaro. Markaa qarenkeena way ugu badinaysaa inay shirkaduhu maamulka gacanta ku qabtaan. Caalamka horumaray dawlad tidhaahda anaagaa shirkadaha ka naqaana sida Shirkadaha loo maamulo kuma jirto. Xataa waddamada jaarka la ah Somaliland ee Djibouti, Ethiopia, iyo Kenya dhamaantood Haamaha Shidaalka waxa gacanta kuwada haya shirkado muwaadiniintu leedahay oo dawladu heshiis la gashay ama qaar ajaanib ah. Markaa muran kama joogo in shirkaduhu uga aqoon roon yihiin dawlada sida loo kordhiyo ama kobciyo dhaqaalaha shirkdaha. Markaa tanna waxan ku soo koobayaa maskaxdii caafimaad qabtaa way kala garanaysaa sida ugu haboon ee loo kobcin karo dhaqaalaha ka soo baxaya Haamaha Shidaalka. Danta Qaranka ayay ku jirtaa in la kordhiyo wax soo saarka iyo dhaqaalaha.

Dhinaca Siyaasada – Xattaa haddii laga eego dhinaca siyaasada, shirkadaha heshiiska dawladu la gelayso wax aka mida mulkiilayaasheeda muwaadiin lagu ogyahay taageerada dhaqaale ee ay la garab taagan yihiin xisbiyada mucaaridka ah, sida mulkiilaha dhisay shaybaadhka laga dhisay Haamaha Shidaalka oo ah muwaadin ka mida mulkiilayaasha oo ay jifada ugu hoosaysa isla yihiin Gudoomiyaha Parlamaanka kana mida taageerayaasha ugu waawayn xisbigiisa. Waxa kale oo ka mida mulkiilayaasha lixdan shirkadood, ninka ah mulkiilaha hotelka Ambassador ee ku yaal Hargeysa oo aan qarsan taageerada xisbiyada mucaaridka. Waxan arrinkan tusaale ugu soo qaadanayaa hadday siyaasad go’aanku ku salaysan yahay nimankanu heshiiska kuma jireen. Taasaa muwaadinoow kuu muujinaysa inay dawladu danta qaranka eegayso ee aanay siyaasad eegayn, intiina siyaasada ka dhigaysaa way khaldan tahay.

Isu Dheelitirka Shirkadaha –  lixda Shirkadood way isu dheeli tiran yihiin waxa ka muuqda oo ka mid ah mulkiilayaasha dhamaan reer Somaliland. Cid ka maqani ma jirto xaafad ahaan gaar ahaan reer Saaxil. Waxa laakiin suurto gal ah inay jiraan shirkado aan heshiiskan ka mid ahayn, oo jecel inay ka mid noqdaan, muwaadiniina ah oo xaq u leh, kuwaasu aniga taladayda waxan odhan lahaa ha la dhegaysto, haddii heshiiska laga badin karo lix shirkadood oo laga dhigi karo todoba, sideed iyo ka badanba – taasna waa wax la samayn karo oo lagu kordhin karo wax ceeb ah oo ku jirtaa ma jirto. Taasuna waa dood gaara oo furan talada inta gacanta ku haysa ayaanay u taalaa.

Mucaaridka Filaya inay doorasho ku guulaystaan oo go’aankan iyagu yeeshaan – haddii waxa gubaya mucaaridka gaar ahaan Gudoomiyaha Parliamaanka ay tahay, waxaan filayaa inaan ku guulaysto doorashada ee yaanay dawlada maanta joogtaa go’aanba gaadhin inta doorashadu dhacayso, haddii intaasu gubayso mucaaridka, taa waxan ka leeyahay waar bal horta is hubsada dhul u dhaciina. Taa cidina idinka yeeli mayso haddaa illaa qiyaamaha qaylisaan, waddanka madaxwayne dadkiisu doortay baa jooga, isaga ayaa xilka loo igmaday, dastuurku isaga ayuu siiyay awooda iyo go’aanka. Isagaana maanta gaadhaya go’aanka hadaad jeceshihiin iyo hadaad necebtihiinba. Maalinta fursadiinu timaado sameeya waxa aad idinku jeceshihiin ee aad u aragtaan in danta qaranku ku jirto. Laakiin madaxwaynaha Ahmed Maxamed Maxamud Silanyo, isagaa maanta joogaa, heshiiskan wuxu u arkaa inay ku jirto danta qaranka iyo danta shicibka Somaliland labadaba.

Shicibka reer Saaxil beenta laga sheegayo – Waxan idinla wadaagayaa, Shirkadahan waxa ku jira muwaadiniin reer Saaxil ah oo gobolka u dhashay oo cid walba leh. Shirkadahanu waxay kor u qaadayaan dhaqaalaha ka soo baxaya Haamaha Shidaalka. Dawladu cashuurteedii iyo ka badanba sideedii ayay u helaysaa. Shaqaale badan iyo dhaqaale badan ayaa gobolka uga soo kordhi doona heshiiskan. Maanta yaan Somaliland loo sheegin been saddexaad oo lagu odhan reer Saaxil ayaa shirkado muwaadininni leedahay u diiday in dhulkooda uu maal gashado. Taa cidna ka yeeli mayno mar dambe khaasatan gudoomiyaha Parliamaanka ka yeeli mayno. Anagoo oo u dhalanay Saaxil cidina noogama lexejeclo badna gobolka dadkiisa iyo dantiisa. Waxanse jecelahay inaan idin waydiiyo, ma maanta ayaa dhegaysanaysaan siyaasi mucaarid ah oo masuulka ugu sareeya waddanka ka mida, oo laga soo doorto gobolka, oo aan toban sannadood la arag isaga oo gobolka Saaxil dantiisa maalin keliya ka hadlaya. Weligii kama hadal danta gobolka Saaxil, maanta mucaaridku siyaasad bay uga dan leeyihiin ee xeerin maayaan danta gobolka iyo dadka reer Saaxil. Ha dhegaysanina beentooda waayo waa laydinku guurayaa ee dantiina lama waddo.

Gunaanad – Maanta waxan qalinka u qaatay markaan arkay niman siyaasiyiin ah oo awrkooda ku kacsanaya eedaynta iyo ceebaynta gobolka Saaxil iyo dawlada aan ka midka ahay, magac xumo iyo eedna dusha naga saaraya, shicibka Somaliland-na u sheegayaan been ay iyagu is leeyihiin dantiinaa ku jirta. Waxan hadalkayga ku soo gebo-gebaynayaa  – shicibka Somaliland way ogyihiin qofka beenta u sheegaya, shicibka Saaxil way ogyihiin inaan lays garab dhigi Karin marka ay timaado danta Saaxil, nin madaxa ugu sareeya ah oo laga soo doortay Saaxil oo aan weligii la arag toban sannadood isaga oo ka hadlaya danaha gobolka Saaxil. Parlamaanta toban sannadood gobolka Saaxil kelmad wax u tarta loogama odhan. Dawlada Madaxwayne Ahmed Silanyo oo ka samaysay waxqabadkii ugu badnaa ee loo sameeyo gobolka Saaxil intii uu jiray iyo Parlamaanku meel uma wada taagna gobolka Saaxil. Wax qabadka ayaa muujinaya qofka dantaada iyo aayahaaga ka talinaya, iyo ka been kula garab taagan ee doonaya inuu awrkiisa kugu kiciyo. Danta qaranka ayaa ku jirta in Shirkadaha muwaadiniintu leeyihiin lala galo heshiis, markasta waxa jiri doona in Shirkadaha qaarna heshiiska ka mid noqdaan iyo qaar aan ka mid ahayn oo dhamaanteen kama wada mid noqon karno. Heshiiska dawladu la gelayso Shirkadahan waa heshiis wanaagsan oo danta Qaranka iyo danta Gobolka labadaba wax tar u leh, haddii la kabayo oo wax lagu darayo ceebi kuma jirto, waana talo la gudboon masuuliyiinta gacanta ku haya, inta ka soo hor jeedaa ha iska hubiyaan dadka ay dhegaysanayaan ujeedadooda, waayo heshiiskan wuu u wanaagsan yahay qaranka iyo gobolka Saaxil labadaba.

Aniga shaqsiyan illaahay baa igu og inaan shirkadahan mid qudha shakhsiyan aqoon gaara u lahayn, wax allaale wax faaiido ah oo gaara ahina igama soo gelayaan. Laakiin waxa aan shakhsiyan aaminsanahay, haddii qaranka Somaliland yeesho Shirkado badan oo oo dhaqaale badan haysta, inay meelkasta oo ay joogaan shaqaalayn doonaan dadka gobolka iyo deegaanka. Markaa waxan aaminsanahay in heshiiskanu sax yahay, danta qarankuna ku jirto. Baayacmustarkuna u baahan yahay in la gacan qabto, macaashka iyo khidmaduna waa waxa lagu gaadho guusha dhaqaalaha, waayo shirkadahanu mar walba waxay diyaar u yihiin inay ama faaiido gaadhaan ama khasaare. Talada aan shicibka Somaliland iyo reer Saaxil u gudbinayaa waxa weeye, taageera heshiiskan, waayo danta qaranka iyo gobolkaba heshiiskanu wax wayn ayuu u tarayaa. Taageera shirkadaha muwaadiniinta ah haddii kale waddanku meel gaadhi maayo.

Rashid Garuf
Washington DC
Wakiilka Somaliland
rgaruf@gmail.com

 

 

 

 

 

 

COMMENTS
Latest News