Saxilnews.com
Cali Guray Oo waxba kama jiraan ku tilmaamay khudbadii uu madaxweyne silaanyo ka jeediyeye shirweynahii kulmiye
November 11, 2015 - Written by admin
Hargeysa (SAXILNEWS)_Guddoomiye ku-xigeenka 3 Aad ee Xisbiga UCID mujaahid Cali Yusuf Guray ayaa naqdin kooban ku sameeyey khudbadii uu madaxweyne Siilaanyo ka jeediyey maanta shirkii golaha dhexe ee KULMIYE.
Qoraalka Mujaahid Cali Guray  ayaa u dhignaa sidan:-
Madaxwaynaha ha la yaabin. Khudbadii uu ka hor jeediyay Golaha Dhexe maanta wuxu ku jirtay” ANIGUNA DHEX BAAN U NOQONAYAA MUSHARAXIINTA XISBIYADA IYO KUWA KU TARTAMAYA XISBIGA DHEXDIISA”. Musharaxa Madaxwaynaha laguma tartamin musharaxa Madaxwayne xigeenka oo Madaxwayne ku xigeenkiisa iyo Wasiirkiisa Caafimaadku ay u tartamayeen dhex uma noqon ee wuxu noqday kii ugu horeeyay ee gacanta u taagay Zaylic. Xaq buu u lahaa Madaxwaynuhu in cidii uu doonayo siiyo lakiin in uu beensheego uu yidhaa dhex baan ahay ayaa qalad ahayd. Marka uu kuwii xisbigiisa ka been kala raacay dhex ma u noqon karaa kuwa xisbiyada uu sheegay inu dhex u noqon doono? Jawaabta waynu iska garan karaynaa oo waa maya. Madaxwayne ahaan isaga dantiisu iyo danta xisbigiisa may sida ay inta ku xeerani kula taliyeen maantana wax u dhaama in doorasho xor iyo xalaal ay ka qabsoonto Somaliland cidii ku guulaysatana loo hibeeyo wax u dhaamaa ma jirto lakiin waynu ognahay inta ku xeerani in aanay dal iyo dad iyo xataa isaga dantiisa u jeedin. Mudadii uu xilka hayay waxaynu wada ognahay in hal doorasho oo keli ahi ay dalka ka qabsoontay taasina ay ahayd DOORASHADII DHIIGA. Ta soo socota markaa Alleh ha inooga sahlo sharkooda.
SAXILNEWS005@GMAIL.COM

COMMENTS
Latest News