Saxilnews.com
Caaqil Mustafe Nuur Ducaale Oo Dhambaal Hambalyo Ah U Kala Diray Wasiirka Arimaha Gudaha iyo Xog-hayaha Fulinta Dawladda
March 10, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxil News.com)-

Caaqil mustafe nuur ducaale ayaa dhambaal hambalyo iyo bogaadin iskugu jira u kala diray wasiirka arimaha gudaha dalka jamhuuriyadda somaliland iyo xog-hayaha fulinta dawaladda hoose ee magaalada hargaysa oo uu magacaabay maanta .

 

Ugu horeyn waxaa caaqil mustafe nuur ducaale uu hamblayo u diray wasiirka wasaaradda arimaha gudaha dalka somaliland mudane cali maxamed warancadde oo uu kaga mahad celinayo xilka uu u magacaabay xog-hayaha fulinta dawladda hoose ee caasimadda hargaysa mudane cabdi axmed raabi oo ah masuul ka soo baxaya shaqadiisa isla markaasna aqoon iyo hufnaan sare u leh shaqada loo magaacabay, taas oo wasiir warancadde noqday shaqsi ama masuul qaran oo ku dhac leh.

 

Ugu dambeyntiina xukuumadda iyo xisbiga kulmiye waxay beeshu ku barbar istaagaysaa 5 sanno  ee dambe ee loo dooranayo madaxweynaha somaliland mudane axmed maxamed maxamuud silaanyo oo u qalma masuul hogaamin iyo wax qabad ku caan baxa, sidoo kale waxaa caaqilku farayaa dadka uu u taliyo uu markaasi caaqilka u yahay inay taageeraan xukuumadda somaliland iyo xisbiga kulmiye .

 

 

Allaa Mahad Leh

Caaqil Mustafe Nuur Ducaale

 

COMMENTS
Latest News