Saxilnews.com
Buugii Lahaanshaha Baabuurta Somaliland Oo Hore Dawli U Ahaa Oo Intii Ka Danbaysay Doorashadii Dalka Ka Dhacday Shirkad Gaar Loo Leeyahay Lasiiyay Iyo Caqabadaha Horyaala Xukumada Cusub Madaxweyne Muuse Biixi
December 5, 2017 - Written by admin
Berbera (Saxilnews.com)-
Berbera(Berberatoday.com)-Xukuumada Talada Sii haysa Ee Madaxawyne Siilaanyo Waxay Bilaowgii Olalalha Doorashada Ku Dhawaaqday In La Kantaroolo Shurrucda Dalka iyo hantida Maguurtada Ahba, Waxaase Dhacday Xiligaa kala Guurka labada Dawladood In Hay,adaha dawlada Qaarkood Shaqadii Aay qaranka U hayeen In laga Dhigo Mid Praivate Ah Oo Shaqsiyaad la Siiyo, Hadaba 15 Nov 2017 Waa Labao maalin kadib Markii Codaynta Doorashadu ka Dhacday Guud Ahaanba Somaliland Ayaa xafiiska wasaarada Hawlaha Guud iyo Gaadiidka Ee Magaalada Berbera Dhinaciisa waxaa Laga Furay Xafiis Cusub Oo Bixinaya Buugta Baabuurta Cusub Ee Kasoo Degta Dekada Berbera, Buugana Cusub Ayaa Ah Mid Kasamaysan LAF , Waxaana Lagu Kordhiyay lacagtii Hore Ee Xukuumada u Xeroon Jirtay 120.000 S/Shiling Ah,Sida wararka Aanu Ku Helnayna Labo Jeer Aya laga Joojiyay Shaqadan Paraivate ah Nimankii watay, waxaana Joojiyay Hanti Dhawraha Guud Ee Qaranka Somaliland, Waxaase Markii Danbe fasaxay xafiiskan Sida Aay Xogta Aay Ku Heshay HWN Madaxtooyada Somaliland Dadka kala Soo Dega Baabuurta Ayaana Markiiba ka Biyo Diiday Buugan Cusub Ee kasamaysan Lafta Oo Aan lahayn Dib U Cusboonaysiin Marka Uu Kaa Dhacana Aad Ku Qasbanaan Doonto In Aad Dalbato Mid Cusub Oo , Lagaana qaadi Doono lacag lamida Tii Aad Hore U Bixisay , Wararka laga Helayo Illo Xog Ogaala Ayaana Sheegaya in Mashruucan Buuga Gaadiidka Ee Laga Dhigtay Praivate ka Aay Leeyihiin Dad Gacan Saar la Leh wasiirka Maaliyada Somaliland Ee sam Sam cabdi Aadan, Dabcana Arikani Wuxxu ka Hor Imaanayaa Shuruucda dalka Waayo Xili Doorasho Dhacday Oo Aan wali Labadii Madaxwayne Xilkii isku wareejin Ayaa hay,adihii Dwalada Ee Dakhli Soo saarka Laga Dhigtay Praivate La Siiyay dad gaara,, waxaana Muuqata In Aan la Marin Baarlamaanka Somaliland oo Isagu xaq U Leh In Uu Ansaxiyo Wax kasta oo dalkan Sharci ka Noqonaya, Waxaa Kaloo Xusid Mudan Arinkan Madaxwynaha Cusub Ee Muuse Biixi Maxaa kala Gudboon Boobka Xiligan kala Guurka Ka Dhacaya Dalka , Muxuuse ka Qaban Karaa, Shacabka Somaliland Mid Doortay iyo Midaan Dooranba waa laga war Sugayaa Sida uu Ku Bilaabo balan qaadyadiisii la dagaalanka Musuq Maasuqa iyo Boobka hantida qaranka, Wadanka waxaa kala Goostay Nin Lacag hayta iyo Nin Mansab Dawladnimo haysta

 

xigasho Hadhwanaagnews.com

COMMENTS
Latest News