Saxilnews.com
Burcad loo bixiyay ‘cun oo carar’ oo weerar ku haysa makhaayadaha Spain
April 11, 2017 - Written by Cabdiqani Deeq

(Saxilnews)Labo maqaayadood oo ku yaalla waqooyiga galbeed ee dalkaasi ayaa waxaa weeraray burcad 160 gaaraysa oo raashin ka cunay, ka dibna ka cararay iyagoon lacag bixin.

Raashinka ay cuneen ayaa lacagtiisa lagu sheegay 12,000 oo Euro. Waxayna boolisku baarayaan sida ay arrintani ku dhacday.

Ninkan la xiray ayay saxaafadu sheegtay inuu u dhashay dalka Romania, wuxuuna wajahayaa eedaymo la xiriira khiyaano.

Kooxdan ayaa iska dhigayay inay dabaadagayaan waxayna bixiyeen lacag hormaris ah oo gaaraysa 950 dollar .Waxayna markaasi cuneen raashin gaaraya 2000 oo Euro.

Maqaayad kale oo burcadani ay weerareen ayaa ninka leh waxuu sheegay inay isagana ka cuneen raashin gaaraya 10,000 oo Euro, iyagoo hormaris ahaan u bixiyay 1000 Euro.

Milkiilaha maqaayada ayaa yiri ‘ Dadkan tiradoodu waxay ahayd 160. Weyn dhuunteen shan daqiiqo gudahood oo waala waaya

COMMENTS
Latest News