Saxilnews.com
Brazil oo iskudayaysa in ay dajiso fadeexadda hilibka
March 20, 2017 - Written by Cabdiqani Deeq

(Saxilnews.com)Madaxweynaha dalka Brazil Michel Temer ayaa dalalka adduunka u xaqiijiyay in musuqmaasuqa hareeyay warshadaha hilibka ee dalkiisa in aysan ka dhignayn in wax soosaarkoodu uu yahay mid aan badqabin oo xun.

Isaga oo kulan la yeeshay danjireyaasha dalalka qaaradda Yurub, kan Maraykanka iyo midka Shiinaha ayuu Temer sheegay in dawladdiisu ay wali ku kalsoontahay tayada hilibka ee dalka ee Brazil.

Shirkaddaha ugu waawayn dalkaas ee warshadeeya hilibka ayaa lagu eedeeyay in ay muddo sannado ah iibinayeen hilib aan tayadiisu wanaagsanayn.

Brazil ayaa kaalinta koobaad kaga jirta dalalka adduunka ee dhoofiya hilibka xoolaha ama hilibka guduudan.

‘Caddayn degdeg ah’

Jimcihii ayay booliiska faderaalku hawlgal ka fuliyeen warshado hilibka soo saara waxayna xabsiga dhigeen in kabadan 30 ruux.

Dawladdu waxay shaqada ka joojisay in kabadan 30 masuul oo ka mid ahaa dadkii ay dawladdu u xilsaartay la socoshada nadaafad xumada iyo dadka aan sharciga ilaalinaynin ee warshadaha ka shaqeeya.

Waxaa socda baaritaan ku aadan in masuuliyiintaasi ay falal musuqmaasuq ku kaceen.

COMMENTS
Latest News