Saxilnews.com
Booliska Norway oo toogtay Hooyo Dhalasho ahaan Somaliland ka soo jeeda
September 19, 2015 - Written by admin

Oslo (saxilnews.com)-Booliska magaalada Oslo ee dalka Norway ayaa toogtay Hooyo Somaliland dhalasho ahaan ka soo jeeda xili ay ku sugneyd gurigeeda dhexdeeda, kadib markii Booliska lagu wargeliyay in ay khatar gelisay ilmo yar oo ay dhashay, balse warar kala duwani kasoo baxayaan eedeyntaasi.

Mid ka mid ah dhalinyaradii Soomaalida ayaa sheegay in hooyadu ay mindi gacanta ku haysatay xiligii la tooganayay, balse isaga iyo dhalinyaro kale ay isku dayeen in ay ku qanciyaan hooyadaasi in ay mindida dhigto.

“Markii aan daaqada guriga ugu dhacnay, oo aan aragnay gabadh yar oo qol dhex fadhida, waxaa indhaheenu qabteen hooyada oo balakoonka dhaqeysa, gacantana ku haysatay Mindi” ayuu yidhi goob jooge u waramay saxilnews.

Wiilkaasi wuxuu sheegay in hooyada markii ay aragtay in dad aysan aqoon gurigeeda soo galeen (dhalinyaro Somalia) ay kula soo carartay mindi hase yeeshee Booliiska waceen, waxaana markiiba uu sheegay in goobta ay soo gaadheen Seddax askari oo mid ay haweeney aheyd, halkaasina ay Hooyadii guriga lahayd rasaastii koowaad ku rideen iyagoo ku qeylinaya istaag.

oslo-dilsomali-
“Markaan galnay guriga ee gabadhii aan soo wadnay kadib ayaan u laabanay guriga, noomana muuqaan qof cunugteeda dili rabtay, laakiin annaga markay na aragtay ayey aniga igu dharbaaxday mindida iyadoo igu cabsiineysa,kuna qeylineysay qof aanan aqoon siduu gurigeyga u soo galay, kadibna waxaabaan maqalnay rasaasta oo booliska iska soo hor mariyay, waxayna ka haleeshay caloosha, dhulkana ku dhacday iyadoo ku qeylineysay Laa-ilaaha Illalaahu” ayuu yidhi goob joogahaasi indhihiisa ku arkay hooyadaasi markii la tooganayay.hooyo-dil-oslo-3

Hooyada ayaa dhaawaceeda loola cararay isbitaalka Ullevol ee magaalada Oslo, waxayna rasaasta ka haleeshay caloosha.

Dadweyne fara badan oo u badnaa Soomaali ayaa isugu soo baxay goobta falkaani uu ka dhacay gelinkii danbe ee Jimcihii.

maxamed xasan

 

 

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News