Saxilnews.com
NIN LACAG BADAN SUCUUDIGA KA TAHRIIBINAYEY OO GACANTA LAGU DHIGAY !
December 21, 2017 - Written by editor

Jeddah(saxilnews)-Ciidammada Ammaanka gaar ahaan kuwa Cashuuraha ee Dalka Sucuudiga ayaa gacanta ku dhigey Nin si aad u heer sarreysa isugu dayey inuu Dalkaasi Debadiisa u tahriibiyo Lacag aad u badan.

2Ninkan ayaa waxa uu Lacag kumanaan kun oo Riyaal ah waxa uu ku riday Karaatoonta lagu rido shaadhadhka, isagoo gunta u dhigay shandadiisii dharka.

Balse, ciidammada ammaanka ee ee dalkaasi gaar ahaan qaybta Cashuuraha ayaa waxay si aad u xeel dheer ugu shakiyeen shandada ninkaasi.

Intaasi kadibna, mid ka mid ah Ciidammadaasi ayaa waxa uu ku guuleystay inuu lacagtaasi oo dhan ka soo saaro shandada ninkaasi.

Ajaanibka ku nool Dalka Sucuudiga ayaa loo ogolyahay haddii ay lacag dalka debadiisa u saarayaan inay si sharci ah uga saaraan, isla markaana ay Xawaaladaha iyo Bangiyada Mariyaan, balse looma ogola inay lacag cad oo aad tiro badan shandadaha ku qaataan, waana sababta keentay in ninkaasi xabsiga loo taxaabo.

COMMENTS
Latest News