Saxilnews.com
MADAXWAYNE SIILAANYO OO CAFIS U FIDIYAY MAXAABIIS BOQOLAAL QOF AH OO KU XIDHNAA JEELASHA
July 28, 2017 - Written by Faysal Aadan

Hargeysa(saxilnews.com)-Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) ayaa cafis madaxwayne u fidiyey ku dhawaad 490 maxbuus oo ku xidhnaa xabsiyada kala duwan ee dalka Sida ay Baligubadlemedia u xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan waaxda garsoorka iyo bahda cadaaladdu.

siilaanyo

Saraakiisha ka tirsan bahda garsoorka ayaa sheegay in madaxwaynuhu il naxariis leh ku eegay maxaabiistan oo tiradoodu dhan tahay 489 maxbuus, isla markaana uu madaxwynuhu ka hortagayo in xabsiyadu buux dhaafaan.

Isku soo wada duuboo madaxwaynaha ayaa sharcigu u jidaynayaan inuu cafis u fidin karo maxaabiista jeelasha ku jirta ee xukunku ku dhacay.

COMMENTS
Latest News