Saxilnews.com
DEG DEG AH”MUDAHARAAD HADA KA SOCDA MAGAALADA BERBERA , SHAQADII DEKADA OO GABI AHAANBA ISTAAGTEY IYO ISTAANTII SHIRKADA DP WORLD OO LA GUBEY
March 12, 2017 - Written by shiine caynaba

berbera (saxilnews.com)-Mudaharaadkan iyo shaqo joojintan oo ay sameeyeen shaqaale weynihii Dekeda Berbera ayaa ka bilaamay kadib markii Maareyaha shirkada DP World Dekeda Berbera keensatay oo lagu magacaabo Ibraahiim Hammada oo udhashay dalka Masar uu shaqaalaha Dekeda ugu hanjabay inuu shaqaale ajinabiya keeni doono Dekeda Berbera hadii aanay uhogaansami awaamiirta shaqada ee ay soo dhajiyeen oo ah 24ka saacadood oo xidhiidha iyo sidoo kale in aanu bixin doonin wax lacaga oo OverTime ah ama shaqada dheeriga waxa kaloo uu Mareyaha shirkada DP World dekeda keensatay uu jaray agabi ahaanba lacagihii gunooyinka ahaa ee shaqaalaha Dekedu qaadan jireen.

Dhamaanba shaqalaha dekada ayaa hadalkaasi ganafka ku dhuftey isla markaana waxaa goobta ka istaadhmey mudaharaadii ugu weynaa waxaa gabi ahaanba istaagtay shaqadii dekada iyada oo la bakhtiyey Korontadii dekadu ku shaqeynaysa

Sidoo kale waxaa goobta lagu gubey astaanta ay leedahay shirkada dhawaan lagu wareejiyey maamulka dekadaase ee DP World iyo dharkii ay kaga shaqeynaayeen dekada , waxana ay hada shaqaliii gabi ahaantoodba ku sugan yahiin suuqa iyaga oo dekada ka dareeray

Dhinca kale waxaa goor dhaweyd goobta soo gaadhey ciidamo Boolis ah oo isku deyay in ay shaqaalaha ka hor istagaan in ay dibada uga soo baxaan dekada Balse u suurto gali weyday waxa se ay goobta Mudaharaadku ka socday ka xidheen Wariye Khadar Cabdirisaaq Saleebaan(Khadar Hanad)oo katirsan wariyayaasha shabakada wararka Hadhwanaagnews.com oo hawlo shaqo Berbera uyimi oo mudaharaadka La kulay sawiro iyo muuqaalana ka qaatay dhacadadaas waxaana wariyahaas xabsiga utaxaabay Ciidamada Booliska Berbera,

COMMENTS
Latest News