Saxilnews.com
Berbera: Khilaaf Dhinaca Dhulka ah Oo Kasoo Cusboonaadey iyo Sharciyo D/hoose Wada Siisey Qaar Kamid ah Dadka Dhulka Isku Haysta
January 10, 2018 - Written by admin

Hargaysa (Saxilnews.com)-Magaala Xeebeeda Berbera ee Xarunta Gobolka Saaxil ayaa maalimihii u dambeeyay waxa ka bilaabmey,khilaafaadka iyo muranka la xidhiidha xiisada Dhulka oo saameyn badan ku yeelatey guud ahaanba Maamulka Degmada iyo Ka Gobolka iyadoo,xiisadani dabada ku haysa dhaqdhaqaaqyo la xidhiidha dhinaca Mulkiyadaha iyo sharciga kasoo baxa Xafiiska Maamulka D/hoose ee Degmada Berbera oo bilaabantey tan iyo intii uu Xilka Maayarka la Wareegay Gudoomiyaha Golaha,oo Fursad badan ka helay Awoodihii faraha badnaa ee Wasiiradii  Xukuumaddii hore ee Madaxweyne Siilaanyo. .

Iyadoo lawada ogyahey in Maamulka Golaha Deegaanku meesha ka saarey guud ahaanba Waayo-aragii iyo aqoonyahankii Asadka u ahaa D/hoose ee Degmada Berbera oo qaarkood kasoo shaqeeyeen mudo dheer D/hoose ee Degmada Berbera Maamuladii iskaga dambeeyay Somaliland Xiisada iyo Xasarada khilaafaadka Dhinaca

dhulka ee Xiligan kasoo kordhey Magaalada Berbera ayaa salka ku haya Musuqmaasuq iyo sharciyo kala duwan oo la iska daba siiyay dad shacbi ah taas,oo ay sabab u yihiin Waaxda Dhulka iyo Hawlaha Guud ee D/hoose ee Degmada Berbera oo kalsooni fara badan ka haysta Maayarka Degmada Berbera una badan dhalinyaro ku cusub shaqada D/hoose iyo ilaalinta Sharciga oo badankooda Maayarku ku badeshay,dadkii aqoonta u lahaa shaqada D/hoose iyo kala nidaaminta Dhulka iyo qaabka loo bixiyo.

Iyadoo,ay Magaalada Berbera caado ka noqotey Mudadii Golahan  Deegaanku Xilka hayey ooisaguna kalsooni ka haystey Madatooyadda taas oo  muranka iyo is qabsiga dhulku gaadho heerkii ugu xumeyd ee nooceeda ah oo soo mara Taariikhda Maamuladii isaga dambeeyay Berbera mar kastaba sababta ugu weyni ha noqoto Sharciyada la wada siinayo laba dhinac iyo wada bixinta Mulkiyad dhul qudha ka dhaxeysa.

 

Inkastoo, dhaqdhaqaaqjinta Dhulka ee Magaalada Berbera aheyd,talaabo dib u dajin iyo Rajo fiican u aheyd dhismaha iyo Degitaanka Shacbiga Reer Berbera iyo Bulshada kale ee Somaliland khusuusan Ganacsatada  daneynaya in ay qeyb ka noqdaan yagleelka cusub ee istaraatijiyad ahaan saamaynta ay Berberi ku yeelan karto Ganacsiga Somaliland,maadaama awal hore dadka Deegaanka ku ahi hadii ay dhaqaale helaan dhinaca Caasimada Hargeysa uga guuri jireen kana dhisan jireen Guryo,waxa rajadaasi Mustaqbal ee ku beegneyd Magaalada Berbera mugdi galiyey ku tagri falka awoodeed ee Waaxda dhulka D/hoose oo dhalinyaro u badan kuwaas oo majara habaabiyey qorshahaasi islamarkaana,keentay khilaafaadka iyo muranka ka taagan wakhti Xaadirkan qeybo badan oo kamid ah dhulkii hore loo bixiyay oo shacbi badani ku muransan yihiin Mulkiyadaha iyo shuruucdooda la laba gacmoodiyey.

Sikasta,oo ay tahey inkastoo Maayarku kalsooni shakhsiyadiisa ah ku waajahey Wareegtooyinkii Xukuumadda dhexe kasoo baxey ee Dhinaca Dhulka sidoo kalena,aanu xiligan habayaraatee,wax cabsi ah ka qabin Xildhibaanada Golaha Deegaanka iyo Wasaaradaha Arimaha Gudaha iyo Hawlaha Guud haddana, waxa wadnaha farta lagu hayaa in Qarax dhibaatooyin iyo Mushkilado sababaa kasoo kordhaan  khilaafka ka taagan dhulka la isku haysto ee Magaalada Berbera. Lasoco Warbixinaha Dambe.

 


COMMENTS
Latest News