Saxilnews.com
Beesha Habar-Jeclo Oo Taageero Ballaadhan U Muujisey Dr:Saleebaan Ciise axmed (Xaglo-Toosiye)
November 2, 2015 - Written by admin

Hargeysa (SAXILNEWS)_Wasiirka Caafimaadka Somaliland ayaa taageero ballaadhan ka helay qaar ka mid ah beesha Habar-jeclo,

DSC051e94

beesha Habar-Jeclo ayaa taageero u muujiyey Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye oo u taagan tartanka murashaxnimada madaxweyne ku xigeenka xisbiga KULMIYE dhexdiisa, oo la filayo in uu qabsoomo badhtamaha bishan aynu ku jirno.

Siyaasiyiinta, Salaadiinta, Xildhibaanada golayaasha Qaranka, Xubnaha golaha dhexe ee xibiga KULMIYE ee ka soo jeeda Beelaha Habarjeclo ayaa shalay Dr. Xaglo-toosiye Xaflad taageero ah ugu qabtay magaalada Hargeysa, waxaanay halkaasi ugu ballan qaadeen codka xubnaha ay ku leeyihiin golaha dhex ee Xisbiga KULMIYE.

DSC05223

Munaasibadaasi taageerada ah oo ayaa ka qabsoontay Hoteelka Summer Time ee magaalada Hargeysa,

waxaanay taageero ballaadhan u muujiyeen Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka Somaliland Dr. Saleebaan Ciise Axmed Xaglo-toosiye oo u taagan tartanka murashaxnimada madaxweyne ku xigeenka xisbiga KULMIYE dhexdiisa

 

BERBERA2002@GMAIL.COM

COMMENTS
Latest News