Saxilnews.com
Beesha Caalamka Oo Walaac Ka Muujisay Xiisadaha Siyaasadeed Ee Ka Taagan Somaliya
March 17, 2018 - Written by indho indho

Hargsa(Saxilnews.com)
Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in xal siyaasadeed la kala dhex dhigo labadaan Hay’adood ee fulinta iyo Xeer dajinta

War kasoo baxay Midowga Yurub, Midowga Afrika, Jaamacadda Carabta, Itoobiya, Talyaaniga, Sweden, Ingiriika iyo Mareykanka ayay kaga hadleen Xaaladda Siyaasadeed ee kasoo cusboonaatay Soomaaliya.

Madaxda Dowladda waxa ay usoo jeediyeen in ay dhawraan Shuruucda dalka u taalla, sidoo kalane ay ka shaqeeyaan Xasilooni siyaasadeed in dalka lagu wajaho in aanan u dhabarka ugu jabin Horumarka Soomaaliya.

Si gaar ah waxa ay ugu baaqeen Hay’adaha fulinta iyo sharci dajinta in aysan u horseedin is qab-qabsigooda foodo iyo kala dambeyn la’aan dalka uu galo.

Beesha Caalamka ayaa ku baaqday in xal siyaasadeed la kala dhex dhigo labadaan Hay’adood ee fulinta iyo Xeer dajinta oo ka mid ah tiirarka ugu waa weyn


ee Dowladda.

Waxaana warka kasoo baxay lagu sheegay in ay maqlayeen kulamada iska soo horjeeda ay yeelanayeen Xubnaha Mooshinka wada iyo kuwa ka soo horjeeda, wax walibana lagu xaliyo Sharciga oo loo hogaansanaado.

Ugu dambeyn waxa ay sheegeen in ay soo dhaweynayaan Cid waliba oo u istaagta daminta Xiisadaha Siyaasadeed, una saldhigta Nidaamka iyo kala dambeynta Soomaaliya.

Walaaca Beesha Caalamka ayaa imaanaya Xilli guuxa Magaalada uu yahay Mooshinka ka dhanka Gudoomiye Jawaari.

 

COMMENTS
Latest News