Saxilnews.com
Beesha Caalamka Oo Shirkii Horumarinta Somaliland Ee Sannadkan U Soo Dirtay Diblomaasiyiin Ka Meeqaam Hooseeya Kuwii Sannadkii Hore+Xukuumada Oo Aan Kaba War Hayn
September 19, 2015 - Written by admin

Hargeysa (Saxilnews.com)-Wadamada beesha caalamka ee taageera horumarka Somaliland ayaa u muuqda inay hoos u dhigeen darajada wufuudii hore uga qayb geli jirtay shirka isu duwida mucaawinooyinka Somaliland oo sannadkiiba mar lagu qabto caasimadda Somaliland ee Hargeysa oo uu furo Madaxweyne Siilaanyo.

 Shirkii 8aad ee sannadkan oo toddobaadkii dhammaaday ka furmay magaalada Hargeysa, ayaa lagu dareemay sida ay dawladaha reer Yurub hoos ugu dhigeen diblomaasiyiinta ay u soo wakiishaan ka qayb galka shirkan, marka la barbar dhigo shirkii 7aad ee kal hore ka qabsoomay magaalada Hargeysa.

Tusaale ahaan shirkii 7aad ee sannadkii hore ee 2014 ka qabsoomay magaalada Hargeysa waxa ka qayb galay wufuud culus oo ka socday dawladaha reer Yurub iyo hay’adaha kale ee Somaliland caawiya. Waxaana shirkaas kal hore goob-joog ka ahaa safiiro fadhigoodu yahay Nayroobi, halka aanu sannadkan hal safiir shirka ka qayb gelin.

 

Sannadkii hore ee 2014

 

Sannadkii hore ergadii shirkii 7aad ka qayb gashay waxa ka mid ahaa

 

Safiirka Holland

 

Safiirka Denmark

 

Safiirka UK

 

Ergey sare oo ka socday baanka adduunka

 

Ku –xigeenka ergayga Qaramada Midoobay

 

Safiir ku xigeenka Maraykanka

 

Xoghayaha guud ee IGAD

 

Ergey sare oo ka socday Baanka horumarinta Afrika

 

Iyo haweenay ku xigeenka ergayga ah oo ka socotay Midowga Yurub

 

Hase yeeshee sannadkan ma jirin wax safiir ah oo shirka ka qayb galay oo ka socday safaaradahaas sannadkii hore ka qayb galay. Sidoo kalena waxaan shirka iman xoghayaha guud ee urur goboleedka IGAD Maxbuub Macalin oo sanadkii hore goob-joog ahaa.

 

Sanadkan 2015

 

Ergada shirka 8aad ee sannadkan ka qayb gashay waxa ka mid ahaa

 

Ku-xigeenka Denmrak u qaabilsan mucaawinooyinka

 

Ku-xigeenka ergayga Qaramada Midoobay

 

Sarkaal ka socday DFID oo ingiriiska u qaabilsan mucaawinada

 

Haweenayda ku xigeenka ergayga Midowga Yurub oo iyadu shirkii kal hore joogtay

 

Geesta kale, shirkii kal hore waxa lagaga yaboohay lacago badan oo gaadhaya dhawr milyan oo dollar, oo ay ku yabooheen dalalkii hore ugu jiray iyo dalka Holland oo kal hore ku soo biiray, waxaanay ku yabooheen lacag gaadhaysa lix milyan oo dollar. Hase yeeshe sannadkan ma jiraan dalal cusub oo ku soo biiray caawimada horumarinta Somaliland, sidoo kalena ma jirin lacago miisaanka hore leekaa oo lagu yaboohay marka laga reebo mashaariic hore u socday oo lacagtooda lagu yaboohay.

 

Dadka arrimaha diblumaasiyadda odorosa ayaa arrintan ku macneeyey hoos u dhac ku yimid heerkii uu hore u taagnaa xidhiidhka wada shaqayneed ee ay Somaliland la wadaagto dawladaha iyo haayadaha kala duwan ee danayneeya Sanduuqa Horumarinta Somaliland. Waxaa iyaduna xusid mudan in arrintani ay ku soo beegmayso xilli uu Midowga Yurub hoos u dhigay heerkii joogitaankiisa Somaliland kadib markii uu dhowaan xafiiskiisa Hargeysa xidhay, marka laga reebo dhowr hawlwadeen oo si kooban u sii shaqaynaya.

 

Hoos-u-dhacan darajada xubnaha shirkan ka soo qaybgalay waxaa loo sibiri-saari karaa arrimo door ah oo ay ugu muhiimsantahay dalalka reer Yurub oo ay ka muuqato in ay qawadsan yihiin heerka dimuqraadiyadeed ee Somaliland, gaar ahaan doorashooyinka oo aad dib uga dhacay xilligoodii iyo muddo kordhinta labada sannadood ahayd; in dareenkaas ay bulshada caalamku qabtana waxa ugu yar ee laga dheehan karayaa waxa uu ahaa hadalkii ay haweenayda ah ku-xigeenka ergeyga dawladda Denmark u qaabilsan mucaawimooyinka Somaliland iyo Soomaaliya si cad madaxweynaha hortiisa madashii kulankan ugaga hadashay muhiimadda dimuqraadiyadda, doorashada golaha Guurtida iyo doorashooyinka waqtigoodii dib uga dhacay oo ay walaac ka muujisay.

 

maxamed xasan

 

 

 

saxilnews005@gmail.com

COMMENTS
Latest News