Saxilnews.com
Beesha Caalamka Oo Baaq Cusub Ka Soo Saartey Dorashada Somaliya Digniina U Dirtey Xildhibaanada Cusub
January 23, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Moqdisho (Saxilnews):- Beesha caalamka aya waxaa ay baaq ka soo saartey

doorasahda dalka Somliya waxaana ay ugu baaqaday labada aqal ee baarlamaanka in deg deg loo guda-gallo dhismaha guddi wadajir ah oo ka shaqeyn doona doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Beesha caalamka ayaa sidoo kale sheegtay in ay u taallo xildhibaanada cusub shaqo culus oo loo baahan yahay in ay u wajahaan si deg deg ah.

Sidoo kale waxaa ay sheegeen in doorashada madaxweynaha Soomaaliya loo baahan yahay in ay ku dhacdo sida ugu dhaqsiyaha badan madaam lagu guuleystay doorashada gudoonka aqalka sare.

 

QM iyo Midowga Yurub ayaa sidoo kale xildhibaanada cusub ugu baaqay in ay ka fogaadaan in lacag ay ka qaataan musharaxiinta u taagan xilka Madaxtinimada Soomaaliya.

COMMENTS
Latest News