Saxilnews.com
BEENEY WAA RUN XASAN DHUXULOOW KA FIIRSO
April 4, 2015 - Written by admin

Bulshada  Somaliland waxay joogtaa xilligan waqti la bartey waxyaabo uu mugdi ka geli jirey waqtiyada qaar, kuwaasoo aanay fahamsaneyn inay yihiin xeelado loo bixiyey munaafaqad oo lagaga been sheego xaqiiqada jirta.

waxaan dulucda hadalkan  uga jeedaa waxyaabo qof sameeyey oo lag faafiyey warbaahinta oo inaga la inagaga dhaadhicinayo in wasiirka warfaafintujoojiyey heesihii wadaniga ahaa ee kabaxayey TV-ga iyo Idaacadda, khaasatan kooxda xiddigaha geeska, arintaas oo aanay waxba ka jirin. waxase fadeexad wada nin hore gudoomiye ugu ahaa kooxdaas oo la yidhaa xasan dhuxul oo mar walba meel xun iyo inuu cid ku foognaado ka shaqeynaya,  xasan waa midhe-sameeye  socod barad ku ah suugaanta haseyeeshee aaminsan inuu cidduu doono wax ku yeeli karo haseyeeshee waxa uu iloobey inuu ahaa ninkii kooxda ku hogaamiyey inay wax u duubaan radi muqdisho iyo tv-ga dawlada xamar waqtigaas wuxu qaatey 4000 dollar, ka hor xsan wuxuu saxaafada ku sii qorayey in kooxda xamar laga casuumey gaar ahaan intii reer awdal ee kooxda ku jirtey taasoo been ah, wasiirka warfaafintu cukuse waxa uu xilligaas ka joojiyey kaligii mushaharka oo sababihii uu ugu qorey ay ka mid aheyd in kooxdu hana qaado, ilaa maanta xasan wuxuu u dagalamayaa mushaharkaa.  waa la xidhey markii uu hargeysa yimi hadana waa la cafiyey, cafiskaas waa u sabab ahaa wasiir cukuse. xasan waxa uu caado ka dhigtey inuu ku gabraarto ooxda xiddigaha geeska oo uu iska dhigo inuu isagu sameeyey , heesaha y kooxdu qaado wuxuu xasan ku leeyahay wey ka yar tahay lix heesood. wuxuu iloobey inuu ixtiraamo walaakii oo afhayen ka ah madaxtooyada, wuxuu iloobey inuu cukuse wasiir dawladi soo diratey yahay ka dib markii uu isku dayey inuu fawdo ka dhex abuuro shaqaalaha wasaarada warfaafinta isagoo ka faa’iideysanaya shaqaalaha cusub ee sanadkan la qorey oo ay ku jiraan ciyaal xaafadeed aan shaaale aheyn oo uu soo ururiyey  islamarkaana waxyaabo been ah uu u sheegey, arintaas wuxuu u sameynayey in wasiirka uu ku fadeexadeeyo ka dibna xilka looga qaado.  madaxtooyada adeer lagama xukumo website-yada oo hadba waxay qoraan qaranku kuma go’aan qaato.

Midhe sameeye xasan waxa la xusuusan yahay inuu mararka qaar sheegtey inuu yahay soo saare barnaamij, malaha midhe yaruhu waxkasta wuu yaqaanaa, waa inan dhalinyaro ah oo la nool hadimo , waxa uu kala qaybiyey kooxda xiddigaha geeska isagoo hab qabyaaldeed ugu kala hiiilinaya, wuxuu joogaa cabir aanay bulshadu u sar jarin waayo daweynahaa qiimeeya qofkasta heerkiisa karaamo, aqooneed, sharafeed, anshax, iyo muxtarnimo, dadweynuhu iyagaa yaqaana qiimaha qofka balse qofku isma yaqaano.

Waxan wiilkan dhalinyarada leeyahay dhowr heesood oo la sameeyo oo qaarkood uu waliba qalad suugaaneed ku jiro sida heesta qalbiga rabadhka aad ugu yeedho ha u qaadan inaad berina madaxweyne siilaanyo ku kaambeyn gareyn karto si qaldana ha uga faa’iideysan curinta oo ha isu qaadan inaad cid waxyeeli karto, walaalow u fiirso xasan ganey yaa midh iyo curin badnaa, yaa ka riwaayado badan, mee axmed saleban bide ma yaqaano qaarkood erayadii uu sameeyey way xad dhaafeen, dacar baa hargeysa jooga ciddna isuma sheeg sheego, haba soo hadal qaadin hadraawi oo halyey aan la barbar istaagi karin ay ka dhigtey aqoonta iyo curinta suugaanta culculusi, iyo kuwo kale oo badan, abwaanadu waa kuwaas, miyaad waligaa xasan dhuxulow ku aragtey hab dhaqankaaga oo kale. Imisa masuul baad isku qaadey oo maalinba nin saaran tahay. miyaadan xusuusneyn walaalkaa oo nin ay murmayaan maalintaad feedhka ku bilowdey ninkii kale oo walaalkaana kula yaabey oo ku yidhi maxaa arimahayga ku soo dhexgeliyey. waxa markaas muransanaa walaalkii axmed suleyman dhuxul iyo cali axmed cawaale caana dhame oo ah weriye ka tirsan warfaafinta.

Idaacadda BCC-da  ayaa soo deysey fanaanka mursal hees uu qaadayo oo la soo codsadey, weriyihii baraamijka salaamaha wadey farxaan jimcaale ayaa si fiican u amaanay fanaanka, isla markiiba fariin uu ku direy facebooka ayaa xasan dhuxul ugu sheegay weriyaha inaanay amaantaas fanaanka la qabin isagoo dadweyne iska dhigaya, saaxiibadii habeenkaas la joogey xasan dhuxul markuu sidan sameynayey wey nool yihiin,  waa qiso inagu cusub oo yaab leh.

Intaas dhaafin maayee walaal wasiirada fadeexada ka daa oo ixtiraam waa kii shaqada ku qoree, oo ixtiraam magaca yar ee aad ka heshay TV-ga dawlada iyo idaacadda, haddii kale waxaanu kuugu yeedhi qalbi rabadhkii.

Cabdi Casiis Nuur Xuseen

COMMENTS
Latest News