Saxilnews.com
Beel-weynta Makayl (Habar Cafaan) Miyayna La Xaquuq Ahayn Reeraha Kale Ee Degan Goboladda Awdal,Salal iyo Gabiley? Qalinkii: Maxamed Maxamuud Dirir.
March 2, 2015 - Written by admin

Anaga oo ah beesha Makayl  H/cafaan  saamigayagii kamahayno dawlada  waligayagana Somaliland sidaay  udhalatay mucaarad kumaanaan noqon ,  waxaanan kamidnahay  beelaha ugu waawayn gobolkan wadal ,maanta laga bilaabo waxan go’aan kagaadhaynaa  taageeradii aan uhaynay xisbiga kulmiye hadii aan hoos loo eegin  tabashadayada , anaga caruurtayadii ayaa kudhamaatay  badaha,iyo saxaraha udhexeeya suudaan iyo liibiya , madaxwayne siiraanyo malaha muccaradka ayuun baad eegtaaye muxaafidka maba xasuusatid ,

Anagu  waxaanahay beesha kali ah  ee aan wax shaqaala ah kulahayn   25 labaatan kaa sanadood ee soomaaliland jirto haba yaraatee  wax aan ku haynaa Somaliland majirto , waxan maaanta uga baahanahay  xisbiga kulmiye ee uu hogaamiyo  madaxwayne siiraanyo laba arin midkood  waan idinka maaranay, iyo waan idiin baahanahay ,

Hadaad noo bahaantihiin waxan idiinka fadhinaa  in saamigayagii aan kahelno xisbiga kulmiye  saamilamid ah saamiga  aybeelaha kale ee somaaliland haystaan  waxa kali ah e aan kuqancaynaa waa wax lataaban karo   ee anagu hadal umabaahnin.

Hadaad naga maaranteen  maalinbaa iman doonta    aad idinku baahantihiin  oo aad nabaryi doontaan sidii horaba usoo dhacday laakiin maantabeeshuway tashanaysaa  waxa ay yeelasana meel ayay iska dhigtay

Dawlada kulmiye ee uu hogaaminayo madaxwayne siilaanyo si dag dag ah ayaan uga suggaynaa  waliba mudo kooban hadii aan jawaab ka wayno go’aan ayaan gaadhi doonaa.

Waxaa kale oo aan maanta ka arinsanaynaa  kalsooni kala noqoshada xukuumada uu hogaaminayo Ahmed Siilanyo oo wax ba’ la’aan ka dhigtey Beel-weynta Makayl Habar Cafaan oo aan wax saami ah ku lahayn Heer Gobol iyo Heer Dagmo Jagooyinka iyo Kuraasta aan xaqa u lahayn lagu laaluusho reero ka soo talaabey xadka Ethiopia oo aan  dagaan ku lahayn Somaliland gabi ahaanted.

Waxaan ku talin lahayn hadii aan laga soo jawaabin baaqayaga ku aadan saamiga reer ahaaneed ee aanu xaqa u leenahay waxa aan yeelayno meel buu noosaaran yahay insha allah Mudane Madax-weyne waxaan kaa codsanaynaa inaad codsiga beesha aad tixgaliso adoon shaqsi jeclaysi ka fogaanaya beenalayaasha aan waxba tari Karin ee iska fadhiya.

Qalinkii: Maxamed Maxamuud Dirir

Abdilahi191@gmail.com

 

 

COMMENTS
Latest News