Saxilnews.com
Bas Ay La Socdeen Ciyaartoy Kubada Cagta Ah Oo La Qarxiyey Iyo Laacibiintii Oo Ku Dhawaacmey + Sawiro
April 12, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

Borussia (SaxilnNews):- Saddex qarax ayaa lala beegsaday bas waday kooxda kubadda cagta ee Borussia Dortmund, taasoo ciyaar ka tirsan rubuc dhammaadka horyaallada Yurub ku martigelin lahayd kooxda Monaco.

Image may contain: outdoor

Madaxa booliska ee degmada Dortmund ayaa warbaahinta u sheegay in weerarka uu ahaa mid lagu bartilmaameedsanayay kooxda.

 

Baska ayaa qaraxyada lala beegsaday xilli uu ciyaartooyda u waday garoonka.

Marc Bartra oo daafaca uga dheela kooxdaasi ayaa waxa uu dhaawac kasoo gaadhay gacanta, asagoo qalliin looga sameeyay, mana jiraan ciyaartooy kale oo ku dhaawacmay qaraxyadaasi.

Image may contain: 1 person, outdoor

Dacwad oogaha gobolkaasi ayaa sheegay in warqad laga helay meel u dhaw goobta ay weerarrada ka dhaceen, isla markaana ay baadhitaan ku hayaan.

Kulanka labada koox ayaa la baajiyay, waxaana la dheeli doonaa caawa 7:45 fiidnimo SGA.

Image may contain: one or more people and people playing sports

Taageerayaasha ku sugnaa garoonka Signal Iduna Park ayaa loo sheegay in ay halkaa baaqi ku ahaadaan tan iyo inta laga xaqiijinayo ammaankooda, ka dibna waa laga daadgureeyay.

Image may contain: sky, bus and outdoor

Dadka ku nool Dortmund ayaa baraha bulshada kusoo bandhigay sida ay diyaarka ugu yihiin in ay jiif siiyaan taageerayaasha Monaco ee u baahan meel ay seexdaan.

Image may contain: outdoor

Image may contain: 1 person, standing, sky, outdoor and nature

Image may contain: outdoor

Ilaysnews/London Desk

Info@Ilaysnews.com

COMMENTS
Latest News