Saxilnews.com
Barcelona oo lasoo wareegtay cayaaryahan khadka dhexe ka cayaara.
August 7, 2018 - Written by editor
Arturo Vidal (dhexda)Lahaanshaha sawirkaGETTY IMAGES
Image captionArturo Vidal (dhexda)

Kooxda kubadda cagta ee Barcelona ayaa saxiixday heshiis ay Bayern Munich kalasoo waraygayso xiddigga dalka Chile u dhashay ee khadka dhexe ka ciyaara Arturo Vidal.

Vidal oo 32 jir ah ayaa baaritaan caafimaad lamari doona maalmaha soo socda cayaartoyda ka cayaara horyaalka Spaanashka.

Wuxuu Bayern kaga soo biiray kooxda Juventus sanadkii 2015-kii, wuxuuna ku guulaystay koobka Bundesliga mid kasta oo kamid ah saddexdii xilli cayaareed ee uu joogay Jarmalka

COMMENTS
Latest News