Saxilnews.com
Badhisaabka Gobolka Hargysa oo fulinaaya deegaamyntii Siyaad Bare ku fashilmay qirayna in uu isagu dabada ka wado Caaqilka Jaarso ee Hargysa lagu caleemo saaray
November 18, 2015 - Written by admin

Hargeisa (SAXILNEWS)_Waxa amkaag iyo yaab umada reer Hargysa ku noqotay maanta markii uu badhisaabka gobolka Maroodijeex mahamed mahamuud  Jeeniyare uu daboolka ka qaaday in uu isagu ka danbeeyo ninka Jaarsda ah ee lagu caleema saaray magaalada Hargysa ee loo caleema saaray in uu noqodo caaqilka Jaarsda ku nool Somaliland, arintaasi oo ka soo horjeeda dastuurka dalka u yaala.

Dadka soo galaytiga ahi sinba xaq uguma yeelan karaan in ay dalka ku yeedshaan, suldaan ama caaqil taasi oo ka baxsan dhaqanka dalka iyo dastuurka labadaba, hadba hadalkani ka soo yeedhay badhisaabka gobolka Maroodi jeex waxa uu ka hor imanyaa hadal ka soo yeedhay wasiirka arimaha gudaha Cali Maxamed Warancadde oo gabi ahaanba diiday in aan dalka lagu soo kordhin karin, wax beel ah oo hor leh waxna uu wasiir Cali Warancadde sheegay in cida kali ah ee caaqil yeelan karta ay tahay dadka dalka leh ee la yaqaano.

Wasiir Waranacdde waxa uu sheegay in dadka Ajaanbka ah ee dalka soo degay ee ka xoogsda sida Yementa iyo dadka kaleba ay u samynayaan cid iyaga ka wakiil ah oo aan ahayn caaqilo ama salaadiin ee loogu yeedhi karo madaxda jaaliyada kuwaasi oo masuul ka noqon doona waxii ay gaystaan ama loo gaysto.

Badhisaabka gobolka Maroodi jeex ayaa hore ugu dooday in dalka la soo dajin karo beelo kale oo ayna wax dhibaato ah lahayn, hadana waxa uu cadaystay in uu isagu yahay ninka waxan dabada ka wada bilaa sharciga ah.

Beesha Jaarsda iyo beelo kale oo dega dalka Itoobiya oo ka mid ahaa dadkii ka soo qaxay dagaalkii 1977-kii ayaa xukumaddii Siyaad Bare ugu balan qaaday in ay ku deegaamanyso goboladii waqooyiga Somalia siiba gobolada galbeedka iyo badhtamaha, arintaasi oo ay fashishay dagaaladii qadhaadhaa ee lagaga hor tagay xukumaddii kali taliska ahayd ee Siyaad Bare oo dalka Somaliland doonaysay in ay ku beerto dad kala gadisan oo Jaarsadu ugu horayso.

Qorshahan uu arimahani ku hagaayo badhisaabka gobolka Maroodijeex Axmed Jeeniyare, waxa uu yahay mid meel fog laga hagaayo oo dad kale loogu raadinaayo deegaamayn laga naas naasin doono hadii aan maanta wax laga qaban.

Hadalka hada ka soo yeedhay badhisaabka gobolka Maroodijeex, waxa uu daba socday diidmo cad oo dadweynaha reer Hargysa iyo siyaasiyiin iyo aqoonyahno reer Somaliland ah oo lahaa culimo iyo salaadiinba ay xaraantinimeeyeen ninka isku sheegay in uu ka mid noqonaayo cuqaasha reer Hargysa ama Somaliland taasi oo aanu sharcigu u banynaynin.

Waxna jira guux iyo gadood xoogan oo dadweynaha degen caasimadu ay kaga soo hor jeedaan arinta uu badhisaabka gobolka Hargysi uu wato oo uu sidoo kale u adeegsday laba suldaan oo reer Somaliland ah kuwaasi oo markii la waydiiyay waxii ay caleemasaareen iyagu ka jawaabi kari waayay.

 

 

 

SAXILNEWS005@GMAIL.COM

COMMENTS
Latest News