Saxilnews.com
BADHASAABKII HORE EE GOBOLKA MAROODI-JEEX OO KA DHAWAAJIYAY IN AANAY BULSHADA SOMALILAND ISKU RAACSANAYN DIFAACA XUDUUDAHA DALKA.
January 11, 2018 - Written by Faysal Aadan

Hargeysa:-(saxilnews.com) Badhasaabkii hore ee Gobolka Maroodi Jeex Mustafe Cabdi Ciise(Shiine) ayaa waxa uu sheegay inaanay marnaba Shacabka Somaliland ka sinnayn taageerida Difaaca Dalka isagoo cid gaar ah u nisbeeyay inay dalka difaacaan.

Waxa uu qoraalkaasi cinwaan uga dhigay “Madaxwyne Waad La Habsaantay Dhayidii Dildilaacii Ka Dhashay Doorashadii”,waxaana uu ku sii yidhi oo uu isagoo dhamaystiran u dhignaa qoraalku sidan“Dhaq-Dhaqaaqii koobnaa ee uu sameeyay ciidanka qaranka somaliland waxa ka soo baxay in shacabka reer Somaliland aanay meel ka wada taagnayn aragti ahaan, inkastoon aaminsanahay inay qalad tahay inay isaga kaaya khaldamaan arrimaha masiiriga ah iyo xurgufta dhexdeena ah haddana waxa ii muuqata in uu jiro gaabis dhinacaaga ah, iyadoon odhan karo qalin kastood qaaday wuxuu sii xoojiyay xidido u adkayntii isbahaysigii dhinacayagu ula baxay jeegaanta”.
Waxa kale oo uu ku yidhi Qoraalkiisa “Nasiibdaro kale ee jirtana maad helin masuuliyiin iyo taageerayaal kale oo kula dhaya nabadarada aad sheegtay inay ka dhasheen doorashadii. Tusaale ahaan waxa ummaddan horey uga soo dhex dhacay dagaale sokeeye oo daraf ka Mid ah aad ahayd, haseyeeshee kolkii laga soo xarooday waxa hogaamiyihii xilagaa ee Marxuum Cigaal ku guuleystay inaanay reebin wax xanaf ah, iyadoo aan xasuusto in Maayarkii caasimada ee wakhtigaasi uu juhdi badan ku bixiyay sidii loo walaalayn lahaa dhalinta labada dhinac, tiiyoo uu saldhigyo uu ka duulo uu ka samaystay koonfurt iyo bariga Hargeysa. Si kastaba xaalaku ha ahaadee waxa duulaankii barigu soo saaray inaadan adiguna daweyn garabna aadan u helin dhaawicii ka dhashay hadaladii xiligii ololaha oo qaarkood afkaaga laga hayay”.
Ugu Dambayn waxa uu yidhi “si kastaba xaalku ha noqdee haddii aad adna tahli kari weyday daweynta xanuunadii ka dhashay doorashadii, una tolweyday waxba u dhaqaaqin xuduudee gondahaaga ka eeg”.wa bilaahi tawfiiq”.

COMMENTS
Latest News