Saxilnews.com
Badhasaabka Gobolka Marood-Jeex Iyo Taliyaha Saldhiga Dhexe Ee Hargeysa Oo Dagaal Gacan Ka Hadal Ahi Dhexmaray
March 23, 2017 - Written by suxufi

Hargeysa (Saxilnews) Badhasaabka Gobolka Maroodi-jeex Cabdillaahi Jibriil Gaaxnuug (Buraale) iyo Taliyaha Saldhiga Dhexe ee Magaalada Hargeysa Maxamed Case ayaa Shalay uu dhexmaray dagal gacan ka hadal ah ka dib markii Taliyaha Saldhiga dhexe oo yimid Xarunta Badhasaabka gobolka isaga oo doonayey in uu halkaasi ka qaato askari ka mid ah askarta ilaalisa Badhasaabka. laakiin waxa u diiday in uu Askarigaasi uu Taliyuhu qaato Badhasaabka oo ku dooday in uu ka mid yahay ilaaladiisa sidaasi taradeedna  aanu u qaatan Karin taliyuhu.

 

Waxay isku qabsadeen Askari ka mid ah Ilaalada Badhasaabka oo uu doonayey Taliyuhu in uu qaato

Taliye Maxamed Case ayaa diiday codsigii Badhasaabka  waxaanu Badhasaabka si cad ugu sheegay in Askarigan uu isagu maamulo sidaasi daraatedna uu qaadanayo, muran iyo buuq ayaa labadaasi masuul dhex maray waxanay ku sigteen in gacanta ay iskula tagaan inkasta hadalo hanjaabad ah isku turtureen.

Dadweynihii ku soo ururay markii labadan Masuul hadalada hanjabadaha iswaydarsanayen ayaa aad ula yaabay waxanay sheegen in baratakoolkii dawladnimada meel kaga dhaceen.

 

Sawirka:- Badhasaabka Gobolka Maroodijeex Mudane Cabdillaahi Jibriil Gaanuux Buraale

Xigasho:- Wargeyska Waaheen

COMMENTS
Latest News