Saxilnews.com
Badhasaabka Gobolka Awdal Oo ka Hadlay Duufaano ku dhuftay Degmada Lughaya Shalay
November 4, 2015 - Written by admin

Boorama (SAXILNEWS)_Badhasaabka gobolka Awdal Maxamuud Cali Saleebaan Ramaax ayaa hadlay dabaylo duufaano wata oo xalay ka dhacay xeebaha dagmada Lughaya, isga oo fariin u diray dadka deegaankaasi waxaan ka mid ahaa hadaladiisi

“waxaan halkan digniin uga dirayaa dadwaynaha gobolka khaas ahaan kuwa xeebaha oo ay xalay ka bilaabmeen dabaylo kuwaasi oo aan khasaare nafeed gaysanin reer xeebedkuna way yaqanaan marka Rujumka badu kaco iyo afooyinka kale ee soo socda” .

Waxa sidoo kale Badhasaabku fariin u diray masuuliyiinta joogta dhulka xeebaha oo uu sheegay in dadka uga digaan meelaha dooxyada ah waxaanu yidhi “waxaan masuuliyiin joogtta xeebaha u sheegaynaa in ay u digaan dadwaynaha oo ay uga digaan
meelaha dooxyada ah iyo bada dhinaceeda”

Ugu danbayntii waxa uu guddoomiye Ramaax kicitaan ku yimid xalay bada waxaana ka mid ahaa hadaladiisi “xalay waxa badu kor u kacday 8Mitir Illahayna wuu inaga nabad galayay wax khasaaro nafeed ah oo ay gaysatayna ma jiro marka laga reebo qasaare ubadan mood iyo barakac .

 

 

MAXAMED ILKACASE

BOORAME OFFICE

 

 

COMMENTS
Latest News