Saxilnews.com
Badhasaab Wacad Ku Maray In Uu Xil Ka Qaadis Ku Samaynayo Maayarka Magaalada Uu Xukumo Iyo Golaha Deegaanka Oo Kala Saftay + Awooda Maayarka
January 18, 2017 - Written by Abdisalaan Harir

Borama(Saxilnews):- Badhasaabka Gobolka Awadal Mustafe Cabdi Ciise Shiine ayaa wacad ku maray in uu shir dag dag ah isugu keeni doono golaha deeganka magaalada boorama,

Waxaan bilaabay in uu sameeyo siddii golaha deeganku ay isugu iman lahaayeen una yeelan lahaayee kulan aan caadi ahayn oo xilka laga qaadayo Maydhanaha maayarka ka ah boorama.

Lama garanayo waxaa keenay in badhaasku arrimaha faraha la galo oo uu golaha deegaanka xiligan ka dhex abuuro xaaladd siyaasadeed,

Inkasta oo uu jiray khilaaf soo kala dhex galay labaddooda.

Shacabka boorama ayaa todobaadanaba la yaabanaa ficiladda uu ku doonayo in uu sameeyo badhasaab Shiine ee uu hoteladda boorama kaga dhex sheekaynayo.

Dhinaca kale golaha deegaanka boorama ayaa laba dhinac u kala safan halka qaar doonayaan in maayarka xilka laga qaado halka kuwa kalena ay diidan yihiin oo ay leeyahiin badhaabku faraha ha kala baxo golaha deegaanka.

awoodda maayarka ayaa lagu tilmaamaa in ay tahay mid aan muuqan waana ta keenay in uu  badhasaabku xil ka qaadistiisa faraha la galo.

COMMENTS
Latest News