Saxilnews.com
Badhaaabka Cusub Ee Gobolka Daad-Madheedh Oo Ka Daareen Caliyay Xilka Loo Magcaabay
December 23, 2015 - Written by admin

Hargeysa(Saxilnews.com)Badhasaabka Cusub ee loo magcaabay Gobolka Daad-Madheedh
ee xaruntiisu tahay Oodweyne Dr.  Axmed Naasir Maxamed Xaashi, ayaa ka
dareen celiyay xilka loo magcaabay, wuxuuna uga mahad celiyay
Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka uu u
magcaabay.
Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Daad-madheedh. Dr. Axmed, wuxuuna
isagoo ka hadlaya dareenkiisa xilka loo magcaabay  mar ay khadka
isgaadhsiinta kula xidhiidhay shebekadda Araweelo News Network yidhi,
“Waxaan uga mahad celinayaa Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland
Mudane Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo) xilka uu ii magcabaay markii
uu ku arkay CV-gayga, isla markaana Aqoontayda iyo waaya-aragnimadayda
ee ku qancay inaan hanan karo xilkaa, waxaana Ilaahay ka baryayaa inuu
Xilka igu asturo”.
Dr. Axmed Naasir, wuxuu sheegay inuu horeba u ahaa shaqaalle
Dawladeed,  deegaanka loo magcaabayna uu yahay  Gobol Balaadhan oo
Xoollaha iyo Beerahaba caan ku ah, isla markaana  aanu ku cusbayn oo
uu  hore uga shaqeeyay aqoon fiicana u leeyahay, isagoo yidhi, “Marka
horeba shaqaalle dawladeed ayaan ahaa, deegaanka lay magcaabayna waa
deegaan Balaadhan oo Xoollaha iyo Beerraha caan kua ah, waana kasoo
shaqeeyay oo iguma cusba” ayuu yidhi, Guddoomiyaha Cusub ee Gobolka
Daad-madheedh.
Masuulkan cusub ee Madaxweyne Siilaanyo u magcaabay Guddoomiyaha
Gobolka, ayaa hore xilal uga soo qabtay wasaaradda Caafimaadka
Somaliland, gaar ahaan Cusbitaalka TB Hospital, wuxuuna waqtigan ka
mid ahaa saraakiisha mid ka mid ah Hay’addaha Caalamiga ah ee ka
hawlgala Somaliland, isagoo Aqoon fiican u leh Maamulka iyo Maaraynta,
xalinta Khilaadka qorshaynta mashariicda, Wacyigelinta iyo Horumarinta
Bulshada.

 

 

SAXILNEWS.COM

COMMENTS
Latest News