Saxilnews.com
Baarlamaanka Soomaaliya oo ansixiyey Golaha Wasiirrada
March 29, 2017 - Written by Cabdiqani Deeq

(Saxilnews)Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa goor dhow si aqlabiyad leh u ansixiyay Xukuumadda cusub ee uu soo dhisay ra’isalwasaarahaSoomaaliya kaddib markii cod loo qaaday.

224 Xildhibaan ayaa ogolaatay in la ansixiyo Xukuumadda iyo Barnaamijkeeda, halka 15 Xildhibaan ay diiday, waxaa ka aamusay 2 Xildhibaan, sidaas darteed guddoonka Baarlamaanka ayaa ku dhawaaqay inay tahay Xukuumadda ansax.

Gddoomiye kuxigeenka 1aad ee Baarlamaanka C/wali Ibraahim Muudeey ayaa guddoominayay fadhiga lagu ansixyaya xukumadda cusub.

COMMENTS
Latest News