Saxilnews.com
Baaq Ku socda Dawlada, Haayadaha Garsoorka, haayadaha xuquuqul insaanka, xisbiyada qaranka iyo kana dhan ah ardayda iyo dhalinyarada laga buuxiyay Jeelka mandheera iyo saamaynta ay ku yeelan karto Mustaqbalkooda Nololeed. W/Q: Farhan Mohamed Sultan (Rakad).
March 28, 2015 - Written by admin

Baaq Ku socda Dawlada, Haayadaha Garsoorka, haayadaha xuquuqul insaanka, xisbiyada qaranka iyo kana dhan ah  ardayda iyo dhalinyarada  laga buuxiyay Jeelka mandheera iyo saamaynta ay ku yeelan karto Mustaqbalkooda Nololeed. W/Q: Farhan Mohamed Sultan (Rakad).

 

 

Waxa jira Arday iyo dhalinyaro fara badan oo dawladu ka buuxisay jeelasha mandheera iyo kuwo kale oo ku yaala magaalooyinka iyo degmooyinka somaliland ardaydan la xidh-xidhay ayaa waxa ay ka mid yihiin arday iyo dhalinyaro kubadeed oo aan intooda badani haysan shaqooyin ay noloshooda ku maareeyaan , shaqo la,aanta haysaana waxay sababtay inay dagaal iyo kooxaysi bilaabaan, oo ay habeenkii iyo maalintiiba noqdaan kooxo ku firidhsan magaalada Hargeisa , dhalintaas intooda badani waa kuwo wax baran jiray, maantase waxay ku jiraan oo ay ku wada xidhan yihiin jeelasha  ugu adag somaliland kuwaas oo loo ilaaliyo si ka  daran sidii kuwo wax dilay.

Dhalinyaradu waxay xaq u leedahay inay helaan nolol wanaagsan oo ay ku farxaan  taas oo ay u baahan yihiin inay helaan garoomo kubadeed oo qalabaysan , iyo inay helaan meelo ay ku mashquulaan oo ay ku ilaabaan waxkasta oo ay samayn lahaayeen .

Dhalinyaradan ayaa ku eedaysan inay habeenkii qas ka samayn jireen xaafadaha magaalada kuwaas oo ay xidhan yihiin kooxkasta oo wax lagu sheegay ,  arinkan ayaa waxa uu saamayn ku yeelanayaa kacaankaas yar-yar ee noloshoodii iyagoo yar-yar lagu bilaabay jeelal, jeelalkaas oo  ka mida jeelasha ugu waaweyn somaliland sida mandheera.

Maxaa sababay inay dhalinyaradu dhibaato sameeyaan?

Sida aynu wada ognahay dhalinyarada somaliland waxa bilaa camal ah 75% kuwaas oo intooda badani ka soo baxeen jaamacado, dugsi sare, iyo iskuulo gaaraba,  marka ay dhalinyaradu intoodii badnayd bilaa camal yihiin, waxkasta waa laga filayaa waayo, looma sameen , meelo ay ku mashquulaan ama ay ka shaqaystaan, dhalinyaradan ayaa intooda badani waxay ka mid ahaayeen kuwo jaamacado ka soo baxay iyo kuwo ku jiray dugsiyo sare iyo kuwo hoose , halkaas oo waalidkii dhalayna ku riday niyo jab markii caruurtodii lagu guray jeelasha lagu xidho  gacan ku dhiiglayaasha ee dalka ugu waaweyn.

Dhalinyaradu marka ay noqdaan bilaa shaqo, ama ay waayaan meelo ay  cayaaraan ama goobaha dhalinyaradu iskugu yimaadaan ee ay ka mid yihiin, garoomo casriya, orodo kala duwan, goobihii jimicsiyada,kubada kolayga, kubada teniska iyo waxkasta oo la halmaala taas ayaa sababaysa inay sameeyaan dhibaatooyin kala duwan, waliba dhalinteenu wali way dhaw yihiin oo may noqon sida wadamada ay la midka yihiin, wadamada qaar ayaa haddii ay soo food saari lahayd shaqo la,aan sidan oo kale u baahsan , waxa ay samayn lahaayeen waa la garanayaa oo nabada ayay khal-khal galinayaan meelkasta oo ay joogaan, laakin inagu wali dhalinteenii waa ay wanaagsan yihiin marka laga reebo inyar oo u baahan waano iyo wax u sheeg mooyaane.

Dhalinyaradeenu waa kuwo wax, bartay,  waxna maqlaya oo haddii ay helaan dad aqoon leh oo u qabta tababar ku saabsan maaraynta iyo hagaajinta nafta , waa ay hagaagi lahaayeen xitaa inta fidmo wadayaasha ahi.

Sidee dhalinyarada looga xalin karaa dhibaayinka ay ku kacaan: —————-

DHibkasta oo dhacda waa la xalin karaa, dhalinyaro kasta oo cadhootana waa la qaboojin karaa cadhadooda, marka dhalinyaradu waxay leeyihiin baahiyo fara badan  oo haddii wax laga qabto aanay ku kacayn wax dhibaataa , oo ay noqonayaan kuwo ku mashquulsan wixii loo diro ama la baro, hadaba dhalinyaradan dhibkooda waxa loo xalin karaa

1: in loo sameeyo meelo ay ku madadaalaystaan sida garoomo casriya,  meelo ay ku cayaaraan ciyaaro kala duwan  .

2: in loo sameeyo iskuulo ay ka bartaan farsamo gacmeedyo kala duwan.

3: in loo sameeyo shaqo abuur, intooda badan kolba sida loogu heli karo shaqo abuur.

4: in la siiyo training (tababar) ku saabsan dhisida nafta iyo xalinta khilaafadka.

Waxaan halkan baaq uga dirayaa cidkasta oo lexo jeclo ka leh dhalinyaradaas ku xidhan jeelasha ee aan haysan cid u hadasha, ee aan samayn kiish loo galo mandheera I.W.M ,  oo baaqaas aan dirayo  waxa kaw ka ah Dalada heer qaran ee soonyo, ururada xuquuqul insaanka, haayadaha garsoorka, dawlada uu hogaaminayo mudane Ahmed Maxamed Maxamuud (Siilanyo).

Xitaa haddii aan la sii dayn karayn waxaan odhan lahaa ha lagu xidho meel gaara oo yaan lagu dhex xidhin , dilaa ama dambiile wayn , oo ay ka mid yihiin rag wax dilay, ama wax dhacay taas oo saamayn ku yeelan karta noloshooda ama uu sxb la noqon karo tuug ay jeelka isku barteen marka ay soo baxaana waxa ay noqonayaan maafiyo ka daran kuwii hore loo yaqaanay waxaanay sii laban laabayaan dhibkii loo xidhay.

Xadhigu uma fiicna dhalinyarada laakin waxa u wanaagsan in kor loo qaado wixii loo qaban karo, oo la buuxiyo baahidooda , xadhigoodana laga dhigo meelo u gaara oo aan lagu dhex ,xidhin dad aanay isku dambi ahayn.

Waxaan ku soo afmeeri lahaa runtii dhalin 75%  waa bilaa camal ah oo hadana haysata nabad intaa leeg , waa wax lagu farxo, laakin waxa wanaagsan in la sameeyo ka hor tag ah dhalintan maxaa sababaya inay habeenkii kooxaysi sameeyaan , dabadeeto la sameeyo cilmi baadhis oo la ogaado dhibkan maxaa sabab u ah maxaase lagu xalin karaa taas marka la helo wax badan ayaa qabsoomaya laakin haddii inta ciidan la daadiyo , oo jeelasha lagu guro , taasi xal maaha. Ee xalkeedu waa in la horumariyo dhalintii iyadoo la eegayo baahidii dhalinta ee saxda ahayd ka dibna la daboolayo.

N.B. JEEL  IN dhalinyarada lagu guraa xal maaha.

Xalku waa shaqo abuur iyo rajo galin, farxad siin iyo baahi daboolid.

Farhan Mohamed Sultan (Rakad)

Mobile: 063-4400319

Email: farxaanmxd@gmail.com

Skype: farxaan.mxd

Social activist/Free Journalism

Post number:  RP 150

Berbera/Somaliland

 

COMMENTS
Latest News