Saxilnews.com
AXMED SIILAANYO OO QORAY WARQAD DIB U MAGACAABIS AH OO KHADAR GAAS KUSII JOOGAYO TV-GA QARANKA
May 8, 2015 - Written by admin

Hargeysa,(SaxilNews.com)–Madaxwaynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa maanta soo saaray qoraal uu dib ugu magacaabayo Maareeyihii Telefishanka Qaranka Khadar Cali Gaas ee uu xilka ka qaaday todobaadkii hore.

Qoraalkan cusub ee dib u magacaabista ee maanta kasoo baxay xafiiska madaxwaynaha ayaa waxa wasiirka warfaafinta lagu ogaysiinayaa in Khadar Cali Gaas xilkii maareeyaha telefishan qaranka sii hayn-doono ilaa 18-ka May, iyadoo digreetadii hore ee uu madaxwaynuhu xilka kaga qaaday hadana isla iyada ku magacaabay maareeye cusub oo magaciisa la yidhaa Cabdi Cali Mahdi.
Dib u magacaabista Khadar Cali Gaas ayaa sida la sheegay madaxwaynuhu ku sababeeyey in looga maarmi-waayey soo saarista iyo habaynta barnaamij-yada xuska 18-ka May ee laga sii dayndoono telefishanka qaranka.

Sida ay doonto ha ahaatee arintani ayaa ah mid fadeexad iyo maamul xumo ku aha maamulka madaxweyne Siilaanyo,l waana markii u horaysay ee caalmka la arko masuul xil laga qaado oo hadana lagu soo celiyo isla todobaad gudaheed waxna ay arintani ceeb iyo dhabar jab ku tahay guud ahaan qaranka Somaliland oo maanta arkaaya xaga ay wax marayaan iyo sida madaxweynahii la doortay uu u shaqaynaayo.

Dhanka kalena waxa dad badan ka yaabiyay ninka inta shaqadii laga eryay ee hadana warqad magacaabis ah oo 10 cisho ay ku qorantahay in uu shaqeeyo oo dabadeedna iska tago oo loo sheegay in la eryi doono waxii ka danbeeya 18-ka May, hadna aqbalay, waa waxyaabaha aanu qof damiirlihii aanu qaadan karin ama aqbali karin waxa Khadar Cali Gaas aqbalay

SaxilNews.com

COMMENTS
Latest News