Saxilnews.com
Arsenal Oo Guul Ay U Qalantay Ka Gaadhay Huddersfield Town Xilli Ay Ku Soo Laabteen Wadada Guulaha
February 9, 2019 - Written by editor

Kooxda Arsenal ayaa guul ay u qalantay ka gaadhay kooxda Huddersfield kulan ka tirsanaa todobaadkii 26-aad ee horyaalka premier League.

Guuners ayaa kulanka ku bilaabatay si dar-dar leh iyaga oo doonayay in ay goolal wakhti hore dhaliyaan goolal ay kooxda ay martida u yihiin kaga naxsadaan.

Daqiiqadii 16-aad ayay Arsenal u suurtagashay in ay dhaliyaan goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay Alxe Iwobi kaas oo hogaanka u dhiibay kooxdiisa.

 

Gunners ayaa sii waday dadaalka ay ku doonaysay in ay ciyaarta wakhti hore dilaan iyaga oo maamulayay ciyaarta gabi ahaanteed.

Kooxda Huddersfield ayaa qaadaysay weeraro roogal celis ah oo ay ku doonayeen in ay goolal ku dhaliyaan laakiin Gunners ayaa si fiican u difaacanaysay.

Wiilasha Unai Emery ayaa daqiiqadii 44-aad dhaliyay goolka 2-aad ee ciyaarta iyaga oo uu u dhaliyay xiddiga Alexandre Lacazette kaas oo hogaanka u dheereeyay kooxdiisa.

Waxa sidaas ku dhamaatay qaybtii hore ee ciyaarta oo ay kooxda Arsenal si qurux badan u ciyaartay waliba u qalantay hogaanka ay u haysay kulanka.

Qaybtii dambe ayaa ahayd mid ay Gunners maamulaysay ciyaarta iyaga oo sameeyay fursado laakiin aanay wax goola ah u badalin dadaalkooda.

Kooxda Huddersfield ayaa daqiiqadii 90-aad heshay goolka 1-aad ee ciyaarta iyaga oo uu si khalad ah isaga dhaliyay xiddiga daafaca uga ciyaara Arsenal ee Sead Kolasinac isaga oo ciyaarta ka dhigay 2/1.

Waxa sidaas ku dhamaatay ciyaarta oo ay Arsenal sidaas ku gaadhay guul ay u qalantay dibna ugu soo laabatay wadada

COMMENTS
Latest News