Saxilnews.com
Arrimo kusoo kordhay Cadaado, walaacna ku abuuray Galmudug
March 4, 2019 - Written by editor
Ciidamo NISSALahaanshaha sawirkaRAADIYOOW MUQDISHOOW
Image captionCiidamo NISSA

Ciidamo ka kooban kuwa nabad suggida federaalka iyo kuwa xoogga dalka ayaa shalay la wareegay madaxtooyadii hore ee maamulka Galmudug ee magaalada Caddaado.

Waxa ay arrintan dhacday xilli uusan wanaagsanayn xiriirka ka dhaxeeya dowlad goboleedka Galmudug iyo Federaalka, taas waxa ay keentay in durba siyaabo kala duwan loo fasirto waxa dhacay.

Maamulka Degmada Cadaado

Guddoomiyaha degmada Cadaado Cabdullaahi Cabdiraxmaan Xuseen ayaa warbaahinta u sheegay in iyaga ka maamul ahaan ay u yeerteen ciidamada dowladda si ay u sugaan amniga madaxtooyada oo uu sheegay in ay ku sugnaayeen ciidamo beeleedyo.

“Markii madaxtooyada loo raray Dhuusamareeb, maamulka waa uu isaga tagay meeshan, albaabada oo furan ayaa xitaa laga tagay, anaga ayaa meesha geynay ciidamo si kumeelgaar ah u illaaliya, kuwii ayaan hadda meesha ka wareejinay, wax xasarad ahna kama aysan dhicin” ayuu yiri guddoomiyaha.

Daawo: Ciidammo AMISOM oo la geeyay Cadaado

Balse war qoraal ah oo kasoo baxay madaxtooyada Galmudug Axmed Ducaale Xaaf ayaa lagu eedeeyay in ay dowladda waddo farogalin, xoogna kula wareegtay madaxtooyadda.

“Ma ahan in taag dari loo qaato dulqaadka Galmudug” ayaa lagu yiri war saxaafadeedka.

Doorashada madaxweynaha Galmudug

Illo lagu kalsoonyahay oo isugu jira siyaasiyiin iyo warfidiyeeno ayaa BBC-da u xaqiijiyay in la qorsheynayo in magaalada Cadaado lagu qabto doorashada madaxweyne cusub oo Galmudug yeelato, lana soo xulo xildhibaano cusub muddo bilo yar gudahood ah.

Arrintan ayaa lagu saleeyay in muddo xileedkii madaxweynaha iyo baarlamaanka Galmudug uu dhamaaday marka laga soo bilaabo xilligii maamulkan la dhisay sannadkii 2015-kii.

Hase yeeshee madaxweynaha hadda jooga Axmed Ducaale Xaaf oo mar uu taleefishinka Horn Cable weeydiiyay in 2 sanno la doortay iyo in kale, ayuu ku jawaabay “Yaa kugu yiri 2 sanno ayaa la doortay, aniga ma madaxweyne ku xigeen badelay madaxweyne dhintay baan ahay?, aniga afar sanno ayaa la i doortay, waxaanan ahay madaxweyne buuxa”.

Arrinta doorashada ayaa dhowaanahan aad loogu hadal hayay baraha bulshada Soomaalida, iyada oo aad loo faafinayay sawiradda shaqsiyaad caan ah oo ka tirsan mucaaradka dowladda ee Xamar ku sugan oo u sharaxan xilka madaxweynenimada, inkasta oo iyaga aanan illaa hadda afkooda laga haynin wax qirasho ah.

Khilaafka ayaa cirka isku sii shareeray dhawaan , waxaana arrintan warbaahinta u qirey madaxweyne Xaaf oo yiri “Dowladda federaalka waan aan illaa hadda jawaab ka hayno ma jirto, madaxweynaha go’aankii aan kusoo wada gaarnay Garoowe waxbo kama fulin, mid aan Fahad (Agaasime ku xigeenka hay’adda nabad suggida qaranka ee NISA) ku wada hadalnay Nairobi waxbo kama fulin, … anaga waxbo naga qaadi maayaan, waan ka gaashaamanay”.

Ma jirto wax war ah oo arrimaha ku saabsan oo laga hayo madaxda dowladda federaalka, marar badan oo isku daynay in aan wax ka weeydiinana waa ay ka gaabsadeen.

Halkee ku dambeeyay garabkii kale ee Galmudug?

Waxaa magaalada Cadaado ku dambeeyay garab ka mid ah maamulka Galmudug oo ay hor kacayaan madaxweyne ku xigeenka Galmudug iyo guddoomiyaha baarlamaanka iyo qaar ka mid ah xildhibaanada kuwaas oo ka aragti duwanaaday madaxweyne Xaaf kadib heshiiskii lala galay Ahlu Sunna iyo xarunta maamulka oo loo raray magaalada Dhuusamareeb.

Balse intii muddo ahba waxaa la sheegay in ay ka maqnaayeen magaalada, muddo dhowna hadalkooda lama maqal.

Sida uu qirey guddoomiyaha Cadaado, ma jirin wax hawl ah oo ka socotay madaxtooyada intii muddo ah, waxaana kaliya ku sugnaa ciidamo illaalo ka hayay

 

saxilnews.com

COMMENTS
Latest News