Saxilnews.com
Antonio Conte Oo Ka Hadlay Wararka Sheegaya In Uu Goolhaye Thibaut Courtois Ku Biiri Doono Real Madrid
December 29, 2017 - Written by Faysal Aadan

 

 

Tababaraha Kooxda Chelsea ee Antonio Conte ayaa ka hadlay xaqiiqada wararka sheegaya in uu goolhayaha reer Belguim ahna goolhayaha 1-aad ee kooxda Thibaut Courtois ka tagayo kooxda si uu ugu biiro kooxda Real Madrid.

Tababaraha reer Italy ayaa sheegay in uu wali ku rajo weyn yahay in uu Thibaut Courtois ku sii hayo chelsea sanado badan.

Conte ayaa ka hadlay kadib markii ay soo bexeen warar cusub oo sheegay in uu goolhayahan doonayo in uu ku biiro kooxda Real Madrid.

Courtois ayaa gali doona sanadkiisii ugu dambeeyay heshiiskiisa Blues xilli ciyaareedka dambe ilaa haatan wax heshiis cusub ah umuu saxiixin kooxda chelsea.

Waxa uu bilowgii xilli ciyaareedkan sheegay in uu diyaar u yahay in uu dib u dhigo wadahadalada heshiis kordhinta ah ee uu todobaadkii ugu qaadan doono 100 kun ee Gini ilaa xagaaga dambe inkasta oo ay chelsea doonayso in mustaqbalka goolhayahan la xaliyo ka hor inta uuna galin sanadka ugu dambeeya ee heshiiskiisa.

Tababare Antonio Conte ayaa yiri”Thibaut waxa uu heshiis kula jiraa chelsea ilaa xilli ciyaareedka dambe waxa aanu ka hadlaynaa mid ka mid ah goolhayayaasha ugu fiican adduunka”.

“Aniga iyo shaqaalahaygu waxa aanu ku faanaynaa in aanu kooxda ku haysano goolhaye ahaan aad ayaan u jecelnahay in aanu la shaqayno saddexda goolhey ee Thibaut, Willy Caballero Iyo Eduardo”.

“Waxa aan aaminsanahay in aan ku faraxsanahay in aan haysto 3-da goolhaye waxa jira tartan adag oo ka dhexeeya waxana aan doonayaa in aan sii haysto 3-doodaba xilli ciyaareedka dambe

COMMENTS
Latest News