Saxilnews.com
“Annagu Ma Odhaneyno Doorashadu Dib-bay Uga Dhaceysaa (26-ka Bisha Lixaad)
March 10, 2015 - Written by admin

Hargaysa (Saxil News.com)-

Guddida doorashooyinka Somaliland, ayaa shalay ku dhawaaqey in diwaangelinta cod-bixiyayaashu bilaabmayso bisha July ee sanadkan, isla-markaana hawsheedu qaadan doonto muddo 9 bilood ah.

Komiishanka doorashooyinka Qaranka oo kulan ay la yeesheen xisbiyada siyaasadda Somaliland ka dib la hadlay saxaafadda ayaa sheegay in aanay ka hadlayn qabsoomidda doorashada, hasa-yeeshee ay ku mashquulsan yihiin qabashada diwaangelinta cod-bixiyayaasha.

 

siciid-cali-muuse

 

Afhayeenka Komiishanka, Siciid Cali Muuse oo arrimahaa ka hadlaya ayaa yidhi “Diwaangalinta cod-bixiyayaashu waxay bilaabmaysaa oo aanu xisbiyada isla garanay bisha July aakhirkeeda ama marka Ramadaan dhamaato, waxayna diwaangelintu soconaysaa Afar bilood ah, waxa ku xigaya hal bil oo la kala saarayo diwaangelinta. Wakhtigaas ayaanu leenahay way dhamaanaysaa diwaangelintu maaha wakhti rasmi ah oo kama dambays ah, laakiin waa wakhti aanu odorosnay oo aanu saadaalinay inay hawshu sidaa u bilaabmayso, waayo wax kasta ayaa dhici kara, markaa hawsha diwaangelintu waxay soconaysaa sagaal bilood..”

Afhayeenka Komishanka oo la waydiiyey in taasi macnaheedu tahay in aan doorashadu qabsoomayn 26-ka June ee sanadkan 2015-ka, ayaa ku jawaabay “Anigu ku odhan maayo doorashadu dib bay u dhacaysaa, laakiin annagu waxaanu ka hadlaynaa waa diwaangelin, oodo dhacameedna siday u kala sareeyaan ayaa look ala guraa..” ayuu yidhi.

Xigasho: Wargayska Somalilandtoday

COMMENTS
Latest News