Saxilnews.com
Ambassador Diinaari oo ka Qeyb Galley Shir Heer Calami ah kulana kulmey Wasirka Arimaha dibadda iyo ka hourmarinta Ganansiga Denmark
March 29, 2015 - Written by admin

Saxil News.com (S N )Ambassador  Abdirizak Diinaari Ahmed  ayaa ka war bixiyay kulan uu la qaatay  wasiirka Arimaha dibadda H E. Mr Martin Lidegard ee Denmark iyo Wasiirka Horumarinta Ganacsiga Caalamiga ee Denmark H E Morgen Jensen.  Waxanu ku bilaabay Dhaaman waxaan Salamayaa. Shacabka Reer Somaliand. Waxaan in Badani iga Codasadeen in aan soo kobo Nuxurka Shirkii Aan ka Qeyb Galley Ee Ka Dhacey Magaladda Copanhegan. Shirkaas waxa Soo Qaban-qaabiyey. Mahadka Barashadda xidhiidhka Calaamiga ee Dalka Denmark. Danish Institute Interantional Studies. 27/03/2015 Waxa shirkani ku Saaabsana Guud Ahaan. Nabadd Galyadda Horn of Africa. Siiba Dadka Af-Somaliga ku Hadla Meel kasto Degan Yihiin. Waxana laga waddda hadlayey Sidii loo Sii xoojin laha qodobdan hoos ku qoran: Ø Adkeynta Nabaad Galyadda Horn of Africa siiba Somalia/Somaliland Ø Sii Xoojinta Mashariicdda Horumarka ee Dalka Dowladda Denmark Ka Caawiso Somaliland iyo Somaliyba Ø Ka wadda shaqeynta iyo La Dagaalanka Argagixisadda iyo Budhcadd Badeedda oo ah Arin- Calamka oo dhan Sameyn ku leh Ø Arimaah Dorashoyinka Somaliland iyo Somalia oo Aad modo Iney isku waqti ku soo Beegmeen Ø Kala shaqeynta Arimaha Nabadd Galyadda ee Waddama jaarka Sidda: Ethiopia, Kenya, Egypt, Uganda, Jabuti. Qodobaddaasi waxey aheyeen kuwa gogol dhiga u ah shirka. Waxaa ka soo qeyb galley shirka. Wadanka Ethiopia, Egypt, Safaradaha u joga waddamadda Scadanvianka. Waxa kale oo Iyana aad uga soo qeyb galley ururadda Bulshadda, UN, EU, iyo Hay-adaha Calaamiga eek a shaqeya Horn of Africa. Siiba Somaliland/Somalia Hadaba Qubaddii Labadda wasiir ee Dowladda Denmark Nuxurkedu Ku Saabsan Somaliland waxa Nuxurkeeddu Ahaa Ø Wasiirka Arimaah Dibadda ee Denmark H:E Mr. Martin Lidegard. Ø WAsiirka Horumarka iyo kobcinta Ganacsiga Calamiga ah H. E Morgen Jensen Ayaa waxu si weyn oo mugleh noo gala Hadley sidda ey uga heelan yihiin in ey Gacan buuxda ka Geystaan Arimaha Nabadd Galyadda iyo Horumarka ee Somalland iyo Gabi ahaan Mandaqadda..Somalia,Ethiopia, Kenya. Waxuu shegey in Dowladda Denmark sii waddi doonto Dhaqalaha ey siiso Somaliland ee ey kaga tageerto Arimaha Hoos ku Qoran: · Horumarka · Amniga · Doorashoyinka. · Shaqo Abuurka Dhalinyaradda · Ilaalinta Degaanka · Dhaqaleynta xolaha Nool Ee Somaliland laf-dhabar dhaqaale u ah. Waxey qiren in Somaliland Nabad galyo ey ku faani kartaa ka jirto. Waxey sheegeen in loo bahan yahey sidii loo adkeyn lahaa. Iyadoo ey mihiim tahey nabad galyaddu jireyn hadii aan la dhinac waddin Horumarka dalka siiba kaabayaasha dhaqalaaha Waxa Erayaddu igula kaftamey ka mid ahaa. H:E Minister of Development and Trade Cooperation Mr Morgen Jensen. Waxu yidhi Mudane Abdirziak Waan Maqley in Dadka reer Somaliland cuno Hilibka Geela Basle, Maan Ogeyn Macaal inaad Dhoofisan. Waxanse ku faraxsanahey in aan Hargeisa tagey Somaliland soo arkey sanadkii hore. Waxan ku idhi Mudane Wasiir Mar Hadaad Soo Cuntey Hilibkkii Geela Iyo Canahii Reer Somaliland Bad Tahee. Suuqa Danishka Xayeysiis Nooga Sameyn Si aanu ugu Iibkeeno Hilibka Geela oo aad Steek Uga sameystaan. Dhaqlaha u kobco Madama Aad tahey Wasiirkii Horumarka iyo Ganacsiga Calamiga. Markii Shirka Dhamaadey waxan waqti yar la qaadey labadda wasiir anigo la wadaagey xogta iyo Arimaah Siyasadeed ee Somaliland uguna Gud-biyey Qoraal Ahaan Guud Ahaan waxaan Kala Hadley, ama Qoraal Ahan Aan Ugu Gudbiyey, Qodobaddan Hoos ku Qoran. 1. Marka kowaad waxan uga Mahad Naqey Tageeradda Dhaqale ey Siyaan Sland 2. Mar labaad waxan ku Aamney sidey mar laba dalkeena uga Heelan yiihiin Horumarkiisa iyo kobcinta Kaabayasha Dhaqaalaha ee masharicda ku bixiyaan Kuwaaso uu kow ka yahey Sanduuqa Somaliland development Fund. 3. Waxaan kale kala Hadley Arimaha Dorashoyinka Somaliland in Aan muddo kordhin Dalku ugu Baahneyn, Duruufo Abareed Aaney jirin. Oo Roobkii Gugu Curtey, In Aan Colaad Baahddey ka jirin Somaliland, Balse Loo bahan yahey in la Dhameystiro Diwaan Galinta. Sidaad Darteed iney mar walba la socdaan ciddi khalkhal Siyaasii ka abuurta Dalka iney meel uga soo wada jeestaan Dhamaan Bulshadda Caalamku iyo Dowladaha Somaliland Daneeya Xasiloonideedda 4. In Komishanka Dorashoyinka Ey kala Hadlaan iney Dedejiyaan Arimaha Dorashada soona Saaran Road Mapkii Dorashadda lagu gali lahaa. 5. In Xukumaddu Aan Ey la socdaan Mashariicdda Horumarka ee Dowladda Denmark Bixineyso in Aan loo isticmaalin Dhaqlaha Loogu Talo Galley, Kaampeyn Siyaasaddeed 6. In Ciidmadda Amniga ama RRU Aan Soo Isctimaali Karin Sifo Khaldan oo ka Baxsan Qorshahii Loogu Tallo Galley, oo Ahaaa La Dagalaanka Argagixisadda. 7. Waxan u Gudbiyey Position Paperkii Xisbigga Waddani ee ku Aadan Qadiyadda Somaliland iyo Arimaha Dorashadda Kulanakaas waxa igu iyaguna igala Qeyb galley xubno firfircoon oo reer Somaliland ah oo iyaguna soo jeediyey dalab in Somaliland xagga wax barashada laga tageero siiba Arimaha Farsamadda Gacanta. Xubnahas oo kala aha Ø Ikran Xuseen Yasiin Ø Abdirisaq Qaraf Qaraf ( Abdirizak Ictiraaf) Run Ahantii waan ku Amanaya in ey yihiin labad xubnood oo firfircoona oo u ah dadka mar walba u helan iney ogaadaan ama ka qeybqataan Arimaha Horumarka Dalkooda Gunanadka Nuxurka Shirkaasi waxu aha mid ku dhamaaddey waji faraxadd leh waxana ka gudoomey Maddaxda Hayadda qaban Qabineysey Qorshaha 3 Sano ee Socdda ey Dowladda Denmark ugu Talo Gashey iney wax Kaga Qabato Dalka Somaliland. Iyago mar walbaa Sheegey iney jecel yihiin Nabadd Galyadda Dowladda Muqdisho. Ayey qoraalkodu waxey ku xuseen iney Somaliland Siiyeen waxa Afka Qalaad Loo Yaqaano (Special Agreement) Sababtoo Ah Mar hadaan Somaliland Aaney Aqoon Calamiya Dunida ka heysan Inteeda kale. Waxa Dowladda Eurepean Unionku Isla Qaaten Is Loo Samayo. Madal ama Dariiqo lagula Macamili karo Somaliland ( mutual Interest and mutual respect) Waayo waxey ogaadeen in aaney daruufta Muqdisho ka jirta iyo ta Somaliland ka jirtaa ey kala Duwan yihiin marka loo eego baahidda iyo Mashariicdda. Sababtoo kuwa Somaliland waa Development Projects. Halka Xamarna Ay Tahey…Bini-adanimo iyo Halitaanka Hanan Nabadd galyo ah oo Dib Logu Dejinayo Xaaladda Nabadd Galyadda Somalia Waxey ku Soo kobeen in Aduunka iyo Dhamaan waddamadda Horn of Afrika ka waxa shaqeyaan Arimaha Nabadd Galyadda, la Dagalanka Budhacadd Badeeeda. Iyo Aafadda Tahriibta. Somaliland Guul baan u Rajeynaya shacabka…Runta indhaha Caalamku wey arkaan Xaladda Dalku Marayo Waxaan ku soo Goobaya Qoraalkeyga in Dowaldda aaney marnba khalkhal Siyaasi ah Aburin Dalkana aan Muddo kordhin aan loo Baahneyn oo waqti dheer ah laga sameyn. Komishankuna waa inuu soo saraa Road-Mapka Dorashadda waa in la ixtiramaya Dimuqradiyadda Aynu qaadney iyo Hananka Dorashoyinka . Xukumadda waxa masuuliyaddi ka saran tahey dalka oo dhan maha in iney kursi jaceyl u Abuuran xaaladd aan wanaagsaneyn oo dalka ku noqota dariiqo khaldan oo la qaadey siina foogeysa Ictiraafka caalamku ka doonayo. Waa in xidhiidhka Diplomasiyadeed ee Xadhigiisii lumey Dib loo soo celiya Waddamadda Jaarka iyo kuwa caalamka. Siyasadda Arimaah Dibadda Mar Gaar ah baan ka Hadli Doona balse Maha Tii lagu Gaadhi laha Guusha Dalkan iyo Dadkani ka Sugayo Xukumadda kulmiye. Ee Ku Mashquulsan Dano-Gaara iyo Masuq-Masuqa Aan Xadka Laheyn. Ambassador Abdirizak Diinaari Independent Diplomat for International Consultant Peace & Development

COMMENTS
Latest News