Saxilnews.com
Allow Cigaal Yaa Uga Warama Caawa Waxa Jooga (Dagaalka Qabow Ee Adduunyada)
March 1, 2015 - Written by admin

Marka aynu dib u raacno Sooyaalka Taariikhda ee Mandaqadaha Bariga Dhexe iyo Xidhiidhka Diblamaasiyada Dalalka Carbeed iyo Dowladaha Reer Galbeedka waxa Xusid Mudan Wakhtigii Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal uu hayay talada dalka Somaliland,in uu in badan sharaxaad ka bixin jirey, Marxuum Cigaal mala awaalka iyo waayaha kasoo iftiimaya dalalkacarbeed qaarkood sida taageeradii uu u muujiyay Dagaalkii dhex maray labadii Yamanood ee Sanca iyo Cadan taas oo ay xiligaa Yamantii Waqooyi ee Cadani ku dhawaaqdey in ay lasoo noqotey Dowladnimadoodii uu si badheedhe ah u ictiraafay dhawaaqooda.

Marka si dhab ah Wakhti xaadirkan loo milicsado in uu Dunida dib ugaBilaabmay Dagaalkii Qaboobaa ee Quwadaha Aduunka ee Nato iyo Warso inkastoo ay mudo badan hoos u dhacdey Awooda Dalalka aan Reer Galbeedka aheyn ee Ruushku Hogaamiyo,hadana waxa fasiraad Culus iyo Sawir weyn bixinya Socdaalka uu maanta ku marayo Madaxweynaha Ruushku Butin Dalka Masaarida oo kamid aheyd halbowlayaasha Reer Galbeedku Saldhiga uga dhigtey Wadamada Carbeed taas oo uu Shir Weyn kula qaatey Qaahira islamarkaana, u balanqaadey Hub iyo Saanad Culus oo uu kucaawiyo wakhti xaadirkan Dowlada Masar si uu uga soo jiito DowladahaReer Galbeedka,waxay arintani xiisa badan ku leedahay  NuxurkaQaraalkan Tuduca aan ciwaanka uga dhigay,’Allow Cigaal Yaa uga Warama Caawa Waxa Jooga’.

Si kastaba ha ahaatee,marka aynu hoos ugu soo dhaadhacno sida ay waayaha maanta Dowladaha Reer Galbeedka iyo dalalka Carabta ee had iyojeer Siyaasadoodu jidh diidsan tahey qadiyada Somaliland iyo gooni isutaageeda iyo sida ay labadaasi dhinacba indhaha uga lalinayaan ictiraaf aynu ka helno beesha Caalamka waxaan jeclaan lahaa inMadaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo), uu markaliya badelo qorshayaasha Xidhiidhka Dowlada Reer Galbeedka eeSomaliland islamarkaana uu ka dego Moosko kalana xaajoodo dib u soo noolaynta waji cusub iyo xidhiidh dhex mara Somaliland iyo Wadanka Ruushka taas oo uu dib u siiyo Saldhigii Ruushku kulahaan jirey Berbera iyo Bada Casba kana dalbado in uu Somaliland u aqoonsado si degdeg ah Waxaan illaahay ka baryayaa in uu indhaha Madaxweynaheena iyo aragtidiisa fog ku ilhaamiyo in uu la jaanqaado Dagaalka Qabow ee Mudooyinkan dambe ka bilaabmey dalalka Quwadaha Aduunka si aynu fursadeena ugaga faa’ideysano.

Wabilaahi Towfiiq Ex Xildhibaan Xuseen Cusmaan Cabdi

(Xuseen-cajab)Hargeysa Somaliland.

 

COMMENTS
Latest News