Saxilnews.com
Alle Ha Unaxariisto 17 Ruux Oo Taliskii Maxamed Siyaad Bare Ku Xasuuqey Xaafada Burco Sheekh Ee Berbera Oo Maanta Aas Qaran Loo Sameeyey Berbera Iyo Wasiiro Ka Qaybgalay
March 19, 2017 - Written by admin

Berbera (Saxilnews.com)-

Alle Ha Unaxariisto 17 Ruux Oo Taliskii Maxamed Siyaad Bare Ku Xasuuqey Xaafada Burco Sheekh Ee Berbera Oo Maanta Aas Qaran Loo Sameeyey Iyo Ehelada Dadkaas La Xasuuqay Oo Goob Joog Ahaa

March 19, 2017 – Written by Berbera Today

Alle Haka Abaalmariyeen Mayarka Degmada Berbera Cabdishakur  Maxamud Xasan(Cidin)Oo Kashanaya Guddida Dabogalka Xasuuqa Somaliland iyo Khuburo Caalami ahaa Ayaa Waxay Si Rasmi ah u Soo Af Jareen Qodisti iyo Baadhistii Xabaal Wadareedada Xaafada Burco sheekh kutaala oo lagu aasay dad tiradooda lagu sheegay 17 ruux oo reer Berbera ahaa kuwaas oo uu Xasuuqay Taliskii Cadawga ahaa ee uu hogaaminaayay Gacan Ku Dhiigle Maxamed Siyaad Bare.
Waxaana Maanta Aas Qaran Loogu Sameeyey Xabaalaha Shamiitada Ee Magaalada Berbera Ku Dhawaad 17 qof Oo 1989 kii Ciidamadii Taliskii Maxamed Siyaad Bare Ay Ku Xasuuqeen Magaalada Berbera Marxuumiintaasi Oo 28 Sano Ka Bacdi Dib u Helay Xuquuqdoodii Dhimashada Qof Islaamka ah Halka Markii Hore Loogu Aasey Cagaf u Shaqeyn jirtey Warshadii Sibidhka Berbera,

Waxaana Marxuumiintan maanta aas wadareedka loo sameeyay ka hor intii aan la aasin baadhi lagu soo sameeyay Dheecaanka Hide Sidaha iyada oo dad sheeganaayay in ehelkoodii ku jirana la ogaaday inay iyagii yihiin kuwaas oo maanta Jinaasada aaska goob joog akaa dhamaantoodana ahaa dad la yaqaano oo reer Berbera ahaa.

No automatic alt text available.
 

COMMENTS
Latest News