Saxilnews.com
Al-Shabaab Oo Noqotay Ururka Ugu Dilalka Badan Ururada Xagjirka Ah Ee Aduunka Iyo Tirada Inta Qof Ee Sanadkii Ugu Dambeeyey Gacanteeda Ku Baxay
June 3, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi

Muqdisho(Saxilnews):-Kooxda alshabaab ee ka dagaalanta Koonfurta dalka Somaliya ayaa noqotey kooxda ugu dilalka badan kooxaha xagjirka ee ka dagaalama wadamo dhowr ah waxaanay kaalintani koowaad ka qaaday labada kooxood ee xajirka ah ee lagu kala magacaabon Daacish iyo Boko Xaraam.

Shabaab

Warbxiintan uu qoray wargayska Newsweek ayaa lagu sheegay in sanadkii hore gacanta Al-Shabab ay ku dhinteen 4,281 halka gacanta Boko Harama ay ku dhinteen 3,499, ururka Daacish-na 2350.

Dilalka Kooxda Shabaab ee ay kaga horayso kooxaha dhigeeda ah ee ka kala dagaalama Nayjeeriya iyo Dalalka Ciraaq Suuriya ayaa lagu sheegey warbixinta in shabaab ay dadka ugu badan ku layso dhinaca ismiidaaminta qaraxyada.

 

COMMENTS
Latest News