Saxilnews.com
Al-Shabaab 0o Jid-Gooye Ku Sameeysay Wafdi DFS Ka Socda
September 17, 2015 - Written by admin

Baladweyn (Saxilnews)-Al-Shabaab 0o Jid-Gooye Ku Sameeysay Wafdi DFS Ka Socda

Wararka ka imaanaya magaalada Baladweyne ee gobolka Hiiraan, ayaa sheegaya in dagaal uu ku dhex maray meel qiyaastii 7 KM u jirta magaalada Baladweyne ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo isla socda iyo kooxda Shabaab oo dhinac kale ah.

Dagaalkan ayaa waxa uu dhashay kadib markii kolonyo ciidamada dowladda oo gelbinaayay wafdi ayaamahanba deegaanka Ceel Calijoogay ay dhexda u galeen kooxda al-Shabaab,halkaasna dagaalka uu ku billowday.

Laba askari oo ka tirsan kuwa dowladda ayaa la xaqiijiyay inay dagaalkaasi ku dhaawacmeen, iyadoo saraakiil dowladda ahina ay sheegeen inay khasaare kale u geysteen kooxda al-Shabaab.

Guddoomiye ku xigeenkii hore ee Hiiraan Maxamed Ibraahim Sanbuur, Ayaa warkan u xaqiijiyey saxilnews mar aanu khadka telefonka kula xidhiidhnay

 

 

 

 

berbera2002@gmail.com

COMMENTS
Latest News