Saxilnews.com
Akkriso Woqooyiga Kuuriya Oo Tijaabo Hor Leh Ku Sameeyey Gantaal Cusub ,
March 6, 2017 - Written by Siciid dalmar

(Saxilnews) Monday, March 06, 2017 05:15:15
Tijaabadaa hore markii bishii Feberweri ay fulisay, waxa cambaareeyey Qaramada Midoobay, Maraykanka, Koonfur Kuuriya iyo Japan.
Koonfur Kuuriya ayaa sheegtay in dalka Woqooyiga Kuuriya ganay gantaal aan noociisa la garanayn oo ku dhacay badda Japan Sea.

Gantaalka waxa laga ganay gobolka Tongchang-ri oo ku dhaw xadka Woqooyiga Kuuriya la leedahay Shiinaha, sidaana waxa sheegay milatariga Koonfur Kuuriya.

Bishii hore ayaa Woqooyiga Kuuriya waxay sheegtay in ay ku guulaysatay tijaabinta nooc cusub oo ah gantaalaha riddada dheer ee loo yaqaan Ballistic Missile oo markii la tijaabinayey uu goob joog ka ahaa hogaamiye Kim Jong-un.

Qaramada Midoobay ayaa Woqooyiga Kuuriya ka mamnuucday in ay tijaabiso wax gantaallo ah oo cusub iyo adeegsiga tiknoolojiyada nukliyeer kaba.

Tijaabadaa hore markii bishii Feberweri ay fulisay, waxa cambaareeyey Qaramada Midoobay, Maraykanka, Koonfur

COMMENTS
Latest News