Saxilnews.com
Akhriso:Waxaan leeyahay Ixtiraama Heshiiskii labada Madaxweyne Ee Somaliland Iyo Soomaaliya, Waxaan jecelahay Inaan farriintaa Dheer Dhegahooda Ku Tuuro Madaxweynaha Cusub Ee Soomaaliya
March 9, 2017 - Written by Siciid dalmar

Dubai(Saxilnews.comWasiirka Madaxtooyada Somaliland mudane Maxamuud Xaashi Cabdi ayaa sheegay in xukumadda laga soo dhiso Muqdisho iyo Xukumadda loo doorto Somaliland
dabayaaqada sanadkan ay dib u bilaabi doonaan wada hadalkii labada dhinac inta ka horaysana loo baahan yahay in Soomaaliya ixtiraamto danaha Somaliland. Wasiirka ayaa hadalkan ka sheegay dalka Imaaraadka oo uu u joogo arrimaha DP World ee dhawaan dhammaystirmay.
Wasiirka ayaa sheegay in aanay Somaliland iyo Soomaaliya midkoodna mudnaanta koobaad u ahayn wada hadalka maaddaama aan wali la soo dhisin dawladdda Muqdisho, halka Somaliland-na ay gali doonto doorasho “Arrimo badan oo ammaanka Mandaqadu ka mid yahay ayaanu iska kaashana, arrimaha wada hadallada Somaliland iyo Soomaaliya diyaar baanu u nahay,”ayuu yidhi wasiir Maxamuud Xaashi.

COMMENTS
Latest News