Saxilnews.com
AKHRISO”QOYS SADDEX BILOOD KU XAYIRAN GAROONKA DIYAARADAHA BANGKOK EE DALKA THAILAND IYO SABABTA
December 29, 2017 - Written by editor

Bangkok(Berberatoday.com)-Afhayeenka waaxda socdaalka Pol Col Cherngron Rimphadee, wuxuu BBC-da u sheegay

 in qoyskan ay dalka Thailand ku galeen dalxiis ahaan. Waxay isku deyeen in Bangkok ay ka duulaan bishii Oktobar oo ay sii aadaan magaalada Barcelona ee dalka Spain, ayagoo sii mari lahaa magaalada Kiev ee Ukraine.

Balse waa loo diiday in ay diyaaradda raacaan, maadaama aysan haysan dal ku galka Spain.

 

 

Sidoo kale waxaa laga hor istaagay in ay Thailand gudaha u galaan maadaama ay dalka ku sugnaayeen muddo ka badan intii loo ogolaaday ee Visa-hooda ahaa. Waxaa lagu qasbay in ay bixiyaan ganaaxa shantii bilood ee dheeraadka ahayd ee ay Bangkok joogeen.

Waxay markii dambe isu diyaariyeen in Kiev ay sii maraan oo ay tagaan isutaga Imiraatka Carabta, ka dibna dal kale oo Yurub ah halkaasi ka galaan.

Sikastaba, waaxda socdaalka ee Thailand ayaa sheegtay in qoyska ay joojiyeen tikitkii ay Dubaay uga sii gudbi lahaayeen, taas oo qasabtay in markale lagu celiyo Bangkok

COMMENTS
Latest News