Saxilnews.com
AKHRISO”FAAHFAAHIN KA SOO BAXAYSA DIYAARAD AY LEEDAHAY ETHIOPIA AIRLINE OO SAAKA BUR BURTEY
March 10, 2019 - Written by cali abdilaahi

Addis Ababa(Saxil.com)-Diyaarad rakaab ah Ethiopian Airlins oo nooceedu ahaa Boeing 737 oo ka duushay garoonka diyaaradaha magaalada Addis Ababa kuna sii jeeday magaalada Nairobi ayaa burburtay lix daqiiqo kadib markii ay hawada ku jirtey.

Rakaab gaaray 149 ruux iyo siddeed shaqaalaha diyaarada ah ayaa saarnaa waxaana la rumeysan yahay inay dhammaantood geeriyoodeen.

Image may contain: outdoor and nature

Afhayeen u hadlay dowlada Ethiopia ayaa sheegay in diyaarada ay burburtay 08;44 kadib markii ay ka duushay caasimada Ethiopia.

Dadaalo lagu doonayo in lagu helo burburka diyaarada ayaa bilowday balse lama oga in ay jiraan dad ka badbaaday burburka diyaarada.

Ra’isul Wasaaraha Ethiopia ayaa ahaa qofkii ugu horeeyay ee ka hadla burburka diyaaradaha waxana uu tacsi u direy dadkii ay ka geeriyoodeen rakaabka iyo shaqaalaha saarnaa diyaarada.

COMMENTS
Latest News