Saxilnews.com
Akhriso :- Xogo Laga Helay Saliid Madow Oo Dhawaan Lagu Arkay Xeebta Batalaale +Kabtan Waday Markab Ku Xumaaday Badda Berbera Oo Xabsiga Loo Dhigay
November 2, 2017 - Written by Abdisalaan Harir
Berbera (Saxilnews):- Warar naga soo gaadhaya magaalada Berbera ee xarunta gobolka Saaxil ayaawaxay daaha ka faydayaan in saliid madow oo dhawaan lagu arkay badda magaalada Berbera isla markaana ku dhagaysay jidhkooda dadkii usoo dabaal tagay badda in uu sii daayay markab xamuul siday oo dhawaan kusoo xidhay dekeda magaalada Berbera isla markaana ku dhex xumaaday badda dekeda Berbera.

Image result for Xeebta Batalaale

Markabkan oo ahaa mid xamuul isla markaana alaabooyin samafal ah u siday hay’adda UNDP ayaa waxa la sheegay in madaxda hawlaha Maraakiibtu baadhitaan kadib ay ogaadeen in markabkaasi saliidaasi madow kusii daayay badda oo wasakheeyey,waxaana ay xabsiga dhigeen kabkankii waday markabkaasi.

Madaxda hawlaha maraakiibta ayaa intaasi ka dib amar ku bixiyay in markabkan laga rogo alaabooyinka saaran,waxaana intaasi kadib ay Kabtankii Markabka waday ku rideen xukun ganaac culus ah oo ah mid hantiyeed,iyaga oo sidoo kalena amar ku siiyay in aan dekeda Berbera dib loogu arkin Markabkani.

Intaasi kadib markabkii markii laga rogay xamuulkii saarnaa ayaa waxa loo jiiday dhankaa iyo dekeda dalka Jabuuti.

Dhawaan uunbay ahayd kadib markii hal mar uun la arkay Saliid madow oo dul heehaabaysa badda gaar ahaana xeebta Batalaale,waxaana saliidaasi ay noqotay mid ku dhagaysay jidhka dadka usoo dabaal tagay,iyaga oo ay jahawareer ka qaadeen dadwaynihii ku dabaalanayay badda magaalada Berbera.

COMMENTS
Latest News