Saxilnews.com
Akhriso :- Xog Sir Ah Oo Laga Helay Kulan Hargeysa Ku Dhex Maray Masuuliyiinta Ka Soo Jeeda Gobolka Sool Ee Xukuumadda Ka Tirsan Iyo Cali Khaliif Galaydh
June 16, 2017 - Written by Saki Adam Suxufi
Hargeysa (Saxilnews):- Masuuliyiinta ka soo jeeda beesha Dhulbahante eeku jira xukuumadda Somaliland iyo hogaamiyaha kooxda Khaatumo ayaa kulan gaar oo xasaasi ah ku yeeshay magaalada Hargeysa.

Image may contain: 2 people, people standing

Kulankan oo dhacay arbcadii la soo dhaafay ayaa waxa ka qaybgalay wasiirka arrimaha gudaha Yaasiin Maxamuud Xiir (Faratoon), Wasiirka caafimaadka Saleebaan Ciise Xaglatoosiye, La Taliyaha madaxwaynaha ee arrimaha bariga Cabdinaasir Garaad iyo Cali Khaliif Galaydh, waxaana lagaga wadahadlay sidii beesha Dhulbahante ay si salmi ah xaeeda uga heli lahayd Somaliland.

Warbaahinta Somaliland ee gudaha qaar ka mid ah ayaa heshay cod sir ah oo ku dhan yihiin badi wixii shirkaas lagaga wadahadlay, waxaan ay u muuqatay dood tolnimo oo la isku garaabay.

Wasiirka Arrimaha gudaha Yaasiin Xiir Faratoon oo hadalka bilaabay ayaa aad ugu dheeraaday muhiimadda ay leedahay in magaca Khaatumo laga tanaasulo, waxaana uu soo jeediyey in si ehelnimo iyo tolnimo ah ay uga tashadaan aayaha beesha Sool, waxaana uu sido kale soo jeediyey in Dhulbahante uu Somaliland wax la qaybsado, isagoo arrinkaas ka hadlayayna waxa uu yidhi:

“yaynaan isku sheeganin haykalo iyo dawlado aynu arrinta u rogno rag isku reer ah, reerkooda dantiisa ka talinaya laba talaba tii roon arrinta ka dhigaya oo ku gaadhi kara waxay iyaguna isugu iman karaan dadkoodana mel ugu horseedi karaan, waxaanu u aragnaa hadalkiinaasu inaanu isku keen soo dhawaynay, Khaatumo-na laguma wada socdo oo anagu dee Khaatumo ma nihin dadkeenuna kuma wada socdo Somaliland baynu wada joognaaye inaynu xayndaabka Somaliland soo galno, ciddii wax inaga dhexeeyaana aynu kula xaajoono oo kula gor-gortano, wixii intaas dhaafsani waxay noqonayaa wax arrinta sii adkeeya anigu waxan jecelahay inaynu is afgarano, waar bal aynu arrinta soo dhawayno oo hadhaw baynu leenahay nimankan maxaynu uga baanahay, maxaynu kula heshiinaa, maxaa inaga maqan, (laakiin marka hore) saaxad aynu ku wadahadli karno waa inaynu gaadhno, oo idina aad Khaatumo dhigtaa, anigu dee waxaan sheeganyaaba ma jirto, nin Dhulbahante ah oo Somaliland jooga ayaan ahay, taasuun baan leeyahay waynu joognaa ay Somaliland ka mid noqono oo ka wadahadalno, niman Dhulbahante ah oo reer Somaliland ah aynu ku wadahadalno”.

Geesta kale Cali Khaliif Galaydh ayaa sheegay inaanu marnaba ka tanaasulayn inuu ku gor-gortamo magaca Kooxda Khaatumo, waxaase uu ka dhawaajiyey inuu diyaar u yahay wax alla wixii beesha Dhulbahante ay dani ugu jirto, qayb kooban oo doodiisii ka mid ah ayaanu halkan idiinku soo gudbinaynaa:

“Anagu waanu idinla soo dhawaynaynaa wax alla wixii inagoo isku dhan danteenu ku jirto, laakiin mid baanaan wadahadal ka gelayn, Khaatumo halkaas dhiga oo inagoo jilibadii Dhulbahante ah aynu isku nimaado ma aqbalayno, haddii aynu isku cadayno anagoo Khaatumo ah iyo idinkoo maamulka Somaliland ka tirsan oo Dhulbahante ah boqolkiiba boqol waanu soo dhawaynaynaa, wixii aanu dan moodnana oo inagoo qudha maahee umadaasna (Dhulbahante) wixii dan u ah waanu soo dhawaynaynaa”.

Sidoo kale waxaa goobta ka hadlay Wasiirka Caafimaadka Saleebaan Ciise Xaglatoosiye waxaana uu isna dhankiisa sheegay inuu xaal ka bixinayo weeraradii uu hore ugu qaaday Cali Khaliif, waxaana uu xusay in nidaamka Somaliland ee ay Khaatumo dagaalka kula jirto oo uu isagu ka tirsan iyo Dhulbahante loo baahan yahay inay wixii dan ah ee lama huraan kula heshiiyaan.

COMMENTS
Latest News