Saxilnews.com
AKHRISO WARBIXIN AAN KA DIYAARINAY SHIRKADAHA TELESOM IYO BEDER OO U MIDOOBAY SIDII AY DHIIG MIIRAN LAHAAYEE BULSHADA DEGMADA SHEIKH
December 31, 2018 - Written by editor

Sheikh( saxilnews.com)Waxa manta aan doonayaa inaan maqalkan kusoo qaato isla markaana kaga hadlo taariikhda degmada sheikh iyo baahiyaadka kala duwan eek u gadaaman manta waxa kaliya aan ku soo qaadanaynaa maqaalkan shirkadaha laydhka ee degmada sheikh ka hawl gala oo aaan odhan karo waa arinta u horaysa ee manta qofkasta oo reer sheikh ahi uu la daalaa dhacaayo , tacadiga iyo dhibta ay mudo 20 sano ah ragaadiyey bulsho waynta degmada sheikh waxa degmada sheikh taydhkeeda shidi jiri shirkada telesom oo mudo dheer shidaysay wakhtigaa ay shirkada telesom laydhka degmada gacanta ku haysay waxa bulshadu la daalaa dhacaayeen qiimaha laydhka oo aha mid aad u qaaliya kaasoo ahaa 1 unit = $ 1.1  kaaso ahaa mid aanay bulshada badankoodu aanay awoodin oo yihiin dad dan yarooo shaqooyin camaliyaad ay iska masuuraafaan aan ka shaqayn intaa ka dib ayaa waxa degmada sheikh timi oo shirkada laydhka ee beder heshiis iyo ogolaansho ay la gasho maamulka degmada sheikh waxay si rasmiya looga daaahfuray degmada sheikh sanadii 2014 tab  sababaha ugu waawayn ee uu salka ku hayey ogolaanshaha loo ogolaaday inay laydhka degmada ka hawl gasho waxay ahayd inay dad waynaha ku dhaqan degmada sheikh ay helaan laydh qiimo jaban isl islamarkaana ay bulshadu si diiran u saadaalinaysay inay heli doonaan laydh jaban iyo adeeg fiican balse waxay u muuqataa in aanay wali ka leexan laydhka degmada sheikh dariiqii hore ee ay shirkada telesom qaaday , waxa mudo ka dib si rasmiya u midoobay shirkadii hore u shidi jirtay laydhka degmada sheikh iyo shirkadii cusbaydee beder qiimihii laydhkuna inuu jabay iyadoo laga dhigaayo ayaa waxa laga dhigay 1 unite =089 iyo 0.90  waxa intaa dheer in maamulka degmada aya dhawaan baaq u direen masuuliyiinta sarsare leh shirkada islamarkaana ay ka talo bixiyaan qiimaha laydhka iyo midawgan ay sheerka u galeen shirkadihii laydhka ee degmada sheikh balse dheg looma jalaqsiin halka maamulka shirkada beder ee degmada sheikh marar badan loo soo jeediyey inay wax ka qabtaan arinkaa laydhka  hadaba waxay taasi ka markhaati kacaysaa inay isu soo kaashadeen inay dhiig miirtaan dadka danyartaa ee degmada sheikh ku nool .

Geesta kale waxa jirta in barnaamujkii soler system ka ee bangiga aduunku ugu deeqay degmooyin ka mida degmooyinka Somaliland oo ay sheikh ka mid tahay si bulshadu u hesho adeeg laydh oo qiimo jaban leh markii masuuliyada barnaamujkan gacanta laga saray shirkada laydhka ee beder qaybteeda degmada sheikh waxay codsadeen In la siiyo mudo ay ku tijaabiyaan awooda solerta ay leeday inay shidi karto laydhka magaaladoo dhan taasoo ay mudo dhaaf  dhawr jeer mudo dhaaf sameeyeen laydhka degmada u baxaana uu yahay solertii mudo laba sano balse aanay wax isbedel ah oo jiraa aanu jirin xaga bilicda magaalada oo ah mid aad u hoosaysa kana liidata xaga laydhka amniga iyo bilicda degmada magaaladuna ay tahay mid aad u madaw , goobaha aasaasiga sida misaajidada goobaa caafimaadka waxbarashada dadka danyartaa aan loo samayn wax tafaxal khayr oo adeeg laydh ah

Akhriste intaaa waxaan kusoo koobaynaa maqaaalkii aan kaga hadlaynay arimaha adeega laydhka degmada sheikh

La soco qaybaha dambe

 

 

 

 

Contact  00252634377538

wariyemohamedali@gmail.com

COMMENTS
Latest News