Saxilnews.com
Akhriso :- War Cusub Oo Iminka Ka Soo Kordhey Wada Hadalkii Somaliland Iyo Maamulka Khaatumo
March 25, 2017 - Written by suxufi

Jabuuti (Saxilnews):- Waxaa maanta si rasmi ah caasimda dalka Jabuuti uga furmey wajigiisaddexaad ee wada hadalka u dhaxeeya Somaliland iyo Maamulka Khaatumo .

Wada hadalkan oo qorshihiisu ahaa in uu furmo 21 bishan ayaa dib u dhac afar cisho ah ku yimid ka dib markii qaar ka mid ah waftigii Dhinaca Somaliland ay habsameen

 

Shabakada Ilaysnews.com ayaa waxaa ay arintani ka wareysatey isla markaana ay xidhiidh  la yeelatey Gudoomiyaha xisbiga UCID Eng Faysal Cali Waraabe oo ka mid ah gudida wada hadalkan dhinaca Somalilan ugu jirta waxaana uu yidhi

” Adeer maanta ayuu shirkii noo bilowdey , waxaana aanu jecel nahay in aanu ilaa isniinta dhameystirno , salaadana aanu nasano maalinta Arbaca da ahna aanu soo baxno , waxaana aanu ku heshiinay in wax faahfaahin ah oo intaas ka badan aanan bixin ” ayuu yidhi Gudoomiye Faysal Cali Waraabe oo khadka telefoonka kula xidhiidhay Shabakada Ilaysnews.com

Wajiga Saddexaad ee wada hadalkan ayaa waxaa la filayaa in w ay ka soo baxan go,aamo cul culus oo labada dhinac ba ah

Fiiro Gaar Ah :- Waxii Warar Ah Ee Ka Soo Kordha Kala Soco Saxilnews.com

COMMENTS
Latest News